|
Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM | YOUR ARTICLES |
![]() |
---|
Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net
Hargaysa (SDWO): Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland sheegay in dib-u-habayn xagga nidaamka shaqadda ah lagu samaynayo xafiiskood oo uu shaqadiisa ugu horaysa uu ka bilaabayo.
Axmed Yuusuf Dirir Maxamed, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad uu xilka kula wareegayay oo lagu qabtay xarunta hanti dhawrka guud ee magaaladda Hargaysa, ayaa sidoo kale tilmaamay in ay hay’adaha dawladda ku hagi doonaan shruucda dalka.
Wuxuu sheegay in haddii shaqadda hanti dhawrku ay toosnaato in nidaamka guud ee dawladnimadu ay toosnanayso, isla markaana ay waajibadkiisa ka mid tahay in uu daba-gal ku sameeyo hawlaha dawladda.
Daawo hadalka Hanti-dhawraha Cusub:
Sidoo kale waxaa isna xafladaasi hadal ka jeediyay hanti dhawrihii hore oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadda uu xilka hayay, waxaanu sheegay in ay jiraan gaadiid dawladeed oo sifo sharciga baal marsan loo xaday, balse ay gacanta ku soo dhigeen.
Daawo Khudbadda Hanti Dhawraha Hore:
SDWO/Hargeisa Office