Tuesday, October 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjire Michael Keating

Published on January 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.

1_n 26195976_1524877460959435_6412654936441776462_n

Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibadda  Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire.

Waxaanay  labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta faah-faahin ka siiyey wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire.

26196474_1524877477626100_2612567506490195285_n

Waxaanu  tilmaamay inay labada dhinac kulankooda ku lafo-gureen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada midoobay.

Isagoo  arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wefti ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa , ayaa halkan inoogu yimi, waxaana isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaaba la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay  ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha shaqada iyo is-kaashiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland, waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxa kamid ah arrimo la xidhiidha siyaasadda, dimuqraaddiyadda, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo mucaawimada, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, waxaana aanu rajaynaynaa in xidhiidhkii wanaagsanaa ee wada-shaqaynta ahaa ee aynu la lahayn Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu halkaas kasii socon doono.”

26220235_1524877584292756_7091054762549836722_n

Geesta kale Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada-hadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ujeeddada uu dalka u yimid.

Waxaanu  yidhi “Halkan waxan u imi inaan kulan la qaato madaxweynaha cusub, waxaana aanu kulan heersare ah ka yeelanay meelaha ay muhiimadda gaarka ah siinayso xukuumadda cusubi iyo sidii aan shacabweynaha reer Somaliland ugu hambalyeyn lahaa madaxweynaha cusub ee ay doorteen sanadkii hore, isla markaana aan muhiimad gaar ah siiyo qorsheyaasha xukuumadda cusub.

Sida  ammaanka, ka hortagga abaaraha, shaqo-abuurka loo samaynayo da’yarta, xoojinta caafimaadka iyo waxbarashada, madaxweynahana waxaan u sheegay inay qaramada midoobay diyaar ula tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd wixii caqabado ah ee jira”.

Daawo Haladda Wasiirka iyo Danjiraha oo Dhamaystiran:

1_n 26195976_1524877460959435_6412654936441776462_n 26196077_1524877694292745_3162111529779451541_n 26196334_1524877697626078_3971539456544285502_n 26196474_1524877477626100_2612567506490195285_n 26219378_1524877587626089_4310929732852898033_n 26219429_1524877317626116_3757064378124693052_n 26219864_1524877480959433_9062803474649167362_n 26220213_1524877307626117_2373085120589498457_n 26220220_1524877190959462_6988335451824154719_n 26220235_1524877584292756_7091054762549836722_n 26229681_1524877310959450_6616086505791517879_n 26230072_1524877050959476_2599342915489433741_n 26230146_1524877054292809_1040386706718722700_n 26231583_1524877184292796_696400844061945457_n 26730926_1524877187626129_8682167958119636244_n 26733520_1524877590959422_1115713620821084447_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.