Tuesday, October 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweynaha Somaliland Ku Tegay Jabuuti

Published on January 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay safarkii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tago dalka Jabuuti tan iyo markii uu Madaxweynaha Somaliland noqday iyo Safarkiisa wixii ku cusbaa.

AHMED-YUSUF-YASIN

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya la wareegtay, Raasiga Dekadda Berbera ee la joojiyey, Saldhiga Milatari iyo qodobo badan, waxaanu wareysigu u dhacay sidan.

Su’aal: Madaxweyne Muuse Biixi safarkiisi ugu horeeyey ee uu dalka dibaddiisa u baxo tan iyo markii la doortay wuxuu ku tagay dalka Jabuuti ee sidee ayaad u aragtaa?

Jawaab: Safarkaas uu Madaxweynuhu ku tagay Jabuuti, waan soo dhaweeynayaa, Jabuutina waa Dalka aanu iskugu xigno jaar ahaan, iyo dad ahaanba, wax badan baa inaga dhexeeye, markaas inuu Madaxweynuhu safarkiisa ka bilaabo aad baan u soo dhaweeynayaa.

Waxaanan  leeyahay Jabuuti intaas ha ka kordhis, oo talaabo intaas ka badan ha qaado, sababtoo ah haddii ay maanta Jabuuti wax ku yimaada cida ugu horeeysa ee dabkaas galaysaa waa Somaliland, markaas waxaan leeyahay jabuuti ninka Xamar ka imanayaa, goorta uu ka imanayaa dheer.

Waana  in talabadaas waan idinku hambalyeynayaa, ee talaabo intaas ka sii mug weyn qaada, oo noqda Dawladda u horeeysa ee Somaliland Ictiraafta.

Su’aal: Madaxweyne Muuse Biixi marka uu safarkiisa Jabuuti u baxaayey, iyo marka uu dalka dib ugu soo laabtayba midna lama arag Waddooyinkii la xidhi jiray iyo Ciidamadii faraha badnaa ee Waddooyinka la tubi jiray, ee sidee ayaad u aragtaa nidaamkan?

Jawaab: Taas Madaxweynaha waan ku hambalyeynayaa waa talaabo hore loo qaaday, oo Muddane Muuse Biixi waa talaabo uu hore u qaaday, in carqaladihii faraha badnaa ee Waddooyinka la xidhaayey, ee Madaxweynaha la habaarayey, oo marka aad nusa-saac aad taagnaato oo Kantarool lagugu xidho, habaar baaba jiray,wax kaleba daayo.

Markaas  waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuu ducaystay maanta, oo qaabkaas uu bedelay,waana talaabo uu hore u qaaday, waxaana filayaa inay kuwo dambena ay kaga dayn doonaan.

Su’aal: Wasiiraddii faraha badnaa iyo dadkii faraha badnaa ee Madaxweynaha soo dhaweyn jiray, siina macasalaamayn jiray midna laguma arag Madaxweyne Muuse Biixi safarkiisa markii uu tagaayey Jabuuti iyo markii uu ka soo laabtay ee sidee ayaad u aragtaa?

Jawaab: Marka ay cidi raacayso Madaxweynaha ama ay cidi sii dhaweeynayso, markaas isagu cida uu dalbado isaga ayey ku xidhan tahay,marka uu soo dagaayo isagu cida uu u yeedho, inay soo dhaweeyso isaga ayey ku xidhan tahay, markaas waxaan leeyahay wixii is barbar yaacayey, ee faraha badnaa oo badankoodu istusnimo u badnaa, meesha wey ka baxeen, taasna waan ku hambalyeynayaa.

Su’aal: Sidee ayaad u aragtaa Xukuumadda Muuse Biixi uu soo dhisay, gaar ahaan Wasiiradda iyo Wasaaraddaha, oo aad uga kooban Xukuumaddii hore?

download

Jawaab: Xukuumadda tirada kooban ee uu Muuse Biixi soo dhisay, waan ku hambalyeynayaa, waana intaan filaayey inay noqoto, waxaana tayadooda la eegi doonaa marka ay ilaa sannad shaqeeyaan, laakiin waxaan leeyahay ku dar Hay’addaha faraha badan ee la sameeyey, in la isku ururiyo, iyana la soo koobo, si halkaasna dhaqaale badani uga kaydsamo, ama uga soo hoydo.

Su’aal: Sidee ayaad u aragtaa amarka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku joojiyey Raasiga Dekadda Berbera, oo cid gaar ah Xukuumaddii hore siiyey?

Jawaab: Raasigu yaanay dadku u arkin oo qudha meel biyaha Dekadda ka celinaysa, biyaha wey difaacaysa, laakiin anigu waxaan u arkaa si taas ka balaadhan, Raasigu mustaqbalka wuxuu noqonayaa Dekadda sii jeeda, soona jeeda, marka xanfaaro la keeno, oo ciida la qodo, oo la adkeeyo, Maraakiibta alaab badan rogaysa guddaha ayey soo galayaan.

Markaas  Raasigu waa mustaqbalkii Dekaddeena, oo jiilasheena dambe boqol sanno kadib ay ku intifaacayeen, Madaxweynahana waan ku hambalyeynayaa, waxaan se ugu dari lahaa Free Zoonkii aanu xayirnay oo ahaa ilaa 20 km.

Taasna  ha ku daro, inta aan la dhisin, ha xayiro, oo free Zoon ay Dekaddu leedahay,oo dawladdaha kale ku soo hirtaan, oo ay degi karaan, oo Warshado ka sameeyn karaan, oo alaabtooda ilaa Afrika uga soo waaridi karaan, si ay u noqoto ha xayiro, haddii Dekadda aynu cuno qabatayno oo gees walba iskaga xeerno, waxeenu markaas waa faashil, markaas waxaan leeyahay taasna ku dhiiro oo Free Zoonkii soo celi.

Su’aal: Sidee ayaad u aragtaa in la hakiyo Saldhigii Milatariga ee Imaraadka?

Jawaab: Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay tan Saldhiga adigu askari ayaad ahayd, askarinimo ayaad soo martay, waad garan kartaa, Saldhiga Milatari khasaarihiisa iyo faa’iidadiisaba, waad garanaysaa Midawgii Soofiyeeti inta uu ku kiraystay Saldhiga Milatari ee Berbera konton sanno ka hor, afartan milyan bay ahayd.

Iyadoo  waliba Ciidankeena dhisaayey, oo ilaa kaabayaashiisa iyo wax walba ka dhisaayey oo afartan milyan oo doolar buu Dawladda siinaayey, ee waxaan leeyahay Madaxweyne askartaadii urursano oo faa’iido iyo khasaare Saldhigani wuxuu inoo leeyahay dib ha loo shandheeyo.

Anigu-na waxaan qabaa in cida la siinayo Saldhiga ay noqoto cid awood leh, oo dhaqaalena ina siinaaya, haddii ay wax inagu yimaadaana difaaceena ka qayb galaysa.

Su’aal: Ma kula tahay in Madaxweyne Muuse Biixi uu dib u eegis ku sameeyn karo heshiiska Shirkadda DP World ee Dekadda ee Xukuumaddii hore gashay?

Jawaab: Dekadda Berbera Shirkadda la yidhaahdo DP World ayaa la siiyey afartan sanno, sodon sanno oo qoran iyo toban sanno oo ka dambeeya, marka afartan sanno loo qaybiyo afar boqol iyo labaatan milyan oo ay galinayaa sannad kasta, sannadkii Dekadda toban milyan iyo shan boqol bay galinayaan, taasina waa mid aan caqliga galayn, aniguna waxaan leeyahay yaan cidna kooto loo xidhin,haddii xitta la isku af garto.

Sababtoo  ah mustaqbalka waxaan iman kara balaadhan la balaadhin karo Dekaddaheena, inaga ayaa wax heli karna, sidan ma ahaanayno, balse haddii la yidhaahdo afartan sanno ayey DP World u xidhan tahay, oo cid kale ma iman karto.

Taasi  wax caqliga saliimka ah gali kara maaha, berito cid kale ayeynu heshiis la gali karnaa, in Dekaddo kale la sameeyo, taana dib ha loo eego, oo dib ha looga fiirsado, oo dib ha loo dhugto.

Su’aal: In Maamulka Hawadeena lagu wareejiyo Somaliya sidee ayay kula muuqataa?

Jawaab: Anigu waxaan qabaa in la ina khiyaamayey, oo markii horena la yidhi heshiiya, oo wada hadala, oo wada hadalkiina Somaliya ka baxday, taasna waa mid u taala Xukuumadda Somaliland, qaabkii ay uga hawl-gali lahayd, waxaana xaqiiqo ah in si yar oo fudud Hawadeena lagula wareegi karin, Xukuumadda Somaliland dib ha u eegto, oo waxani halkay ka soo baxeena dib ha u raacdo.

Su’aal: Ma la odhan karaa Xukuumaddii hore ayaa dayacday in si yar oo fudud maamulka Hawadeena Somaliya la wareegto?

Jawaab: Dib ha loo eego maxay Xukuumaddii hore heshiis la gashay, halkay heshiisyadu gaadhsiiyey heshiisyadu noocee ayey ahaayeen, qaabkee loo galay, maxa dhinaa, maxa gabood fal ah oo la sameeyey, waa in dib loo eega heshiisyadaas, oo dib loogu noqdaa.

Su’aal: Wasiir ka tirsan Somaliya, inuu xadka Somaliland u soo gudbo sidee ayaad u aragtaa?

Jawaab: Anigu waxaan u arkaa in Wasiirkaasi uu hordhac iyo gogol xaadh u ahaa Farmaajo, laakiin waxaan filayaa inay gogol xaadhkaasi ka fashilmay,oo Dawladdeenu ku toostay.

Su’aal: Dagaalkii dhexmaray Ciidamadda Somaliland iyo Puntland ka waran?

Jawaab: Kolay Ciidankeenu geesinimo ayey muujiyeen, laakiin Somaliland xadkeedu waa uu cad yahay, Somaliya oo ay Puntland ka mid tahayna xadka inoo dhexeeya halka uu yahay waa la garanayaa, ee waxaan leeyahay Somaliya iyo Puntlandba jaarnimada ilaaliya, oo xadkeena ha ka soo talaabina.

Su’aal: Wada hadalo ayaa u dhexeeyey Xukuumaddihii hore ee Somaliland iyo Somaliya, gaar ahaan Xukuumaddii Axmed Siillaanyo iyo Xukuumaddii Xasan Sheekh, laba Xukuumaddood oo ay kala hogaaminayaan Muuse Biixi iyo Farmaajo ayaa ka kala dhashay Somaliland iyo Somaliya, markaas maxaad ku talinaysaa in wada hadaladii laga yeelayo?

Jawaab: Haddii Xukuumaddihii hore meesha ka baxaan in la wada hadalaa waa qasab, laakiin waxa weeye in wada hadalada ay goob joog ka noqoto cid dhex-dhexaad ah, oo dano gaar ah ka lahayn Somaliland iyo Somaliya midnaba, ta kale waxaan leeyahay Somaliland waa in wada hadaladaas lagu ogaado cid gaar ah,maaha in kolba Wasiiro tagaayo lagu ogaado, aniguna kamaan badiyeen todobo xubnood, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibaddu, si wada hadalada loo dhuuxo, oo looga midho dhaliyo, maaha in la sameeyo labaatan ilaa sodon qof,k oo is maax duminaaya.

Su’aal: Doorashadii Madaxtooyada ayeynu ka soo baxnay, Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiiladuna sannadka dambe ayey mudaysan yihiin in la qabto, ilaa haddana saami qaybsigii xal lagama gaadhin markaas adigu maxaad ku talin lahayd?

Jawaab: Doorashooyinkii Wakiilada iyo Deegaanka waxaan filayaa in sannad iyo dhawr bilood ka hadheen, marnaba ka fursan mayso in Dastuurka la furo, laakiin wakhtigu uu kooban yahay,anigu waxaan ku talin lahaa Dastuurkeena ha furaan Barlamaanka dambe, marka la furaayana dibadda ha lagu heshiiyo.

Doorashadan  maanta-na sidii hore ha lagu galo, iskuna gali mayso Doorasho ayaa la qabanayaa iyo Dastuur baa la furayaa, sababtoo ah saami qaybsigu wuxuu ku xidhan yahay Dastuurka oo la furo, waana in 82 Xildhibaan ee Dastuurka ku xidhan meesha laga saara, oo xeer lagu qoraa.

Waa  in la isku qanciyaa, oo dawladdu dadaal adag ka gashaa, oo marka Dastuurka la furo Barlamaanka laga dhigaa ilaa boqol Xildhibaan.

Su’aal: Xeerki Doorashada Guurtida ee ilaa hadda lama hayo, lamana sameeyn maxa hor taagan, maxa se aad ku talinaysaa?

yasin-the-latest

Jawaab: Marka labadan Doorasho ee Barlamaanka iyo Deegaanka inaga dhamaadan, Doorashada Guurtida xal baa loo heli karaa, oo waxay noqon doontaa insha allaah Doorasho dadban, oo aan toos ahayn.

Doorashadaas Guurtidana xalkeeda waa la gaadhi doonaa, oo iyada qudheeda ha laga sii shaqeeyo sharcigeedii iyo qawaaniinteeda sidii loo hirgalinaayey, ha la sii bilaabo, oo yaan dib loo dhigin.

Su’aal: Somaliland waxa u dhaqan ah Doorashooyinka oo dib u dhaca, markaas si aanay Doorashooyin dambe dib aanay inooga dhicin maxaad ku baaqaysaa?

Jawaab: Hadda waxa Doorashooyinkeena dib u dhigi kara, iyadoo la yidhaahdo Dastuurka ayaa la furayaa, furista Dastuurka, wakhti bay u baahan tahay, heshisiin bay u baahan tahay, in dibaddaha lagaga hadlo ayey u baahan tahay, haddii ay wax jabaan waa arin adag oo labada Goleba marayaa, marka la codeeynayo waa in labada Gole, saddex meelood, laba meelood, qodobkii la keenay jideeyaan.

Haddii  ay jideeyan waayan qodobkii sidii buu ku noqonayaa, waa in aad looga taxadiraa, markaas si aanay Doorasho dambe dib inooga dhicin, habsan dambena aanu inoogu dhicin, in badan baynu soo habsaanay, ee Barlamaanka dambe ha furaan Dastuurka.

Su’aal: Xukuumaddii hore iyo Maamulkii Khaatumo heshiis baa dhexmaray, heshiiskaas waxa ka mid ahaa in Dastuurka dib loo furo, markaas miyaanay aqabad ku hayn heshiiska furitaanka Dasuurka oo dib u dhaca?

Jawaab: Xal loo waayi maayo, heshiiska aad umaan sii eegin.  Balse  xal lagu soo dhaweeyo Khaatumo,  la waayi maayo.

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

Xigasho: Gargeyska Geeska Afrika

 
,, ,,,.