Sunday, April 22nd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Miisaaniyadii la siiyay wasaarada beeraha inuu Tv-gu ka badsado ma aha”… Maxamed Xaashi

Published on January 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO): Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa daboolka ka qaaday in miisaaniyada saddexdii sanadood ee ugu danbeeyay oo uu indha-indheeyay ay Somaliland ku bixisay wax aan baahi weyn loo qabin halka ay ka qatanaayeen wasaaradihii wax soo saarka ee dalku.

Waxa uu Maxamed Xaashi Cilmi sheegay in aan dalku u diyaar garoobin in wax soo saar la sameeyo lana fadhisiyay wasaaradihi wax soo saarka oo miisaaniyadooda laga dhigay mid aad u hoosaysa.

Beron

Eng. Xaashi,  oo  hadal ka jeediyay  shir ay aqoonyahanka takhasuska u leh Beeruhu kaga arinsanayaan sidii dalku u gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah oo ay qabatay wasaaradda beeraha Somaliland.

Waxaanu  yidhi  “Waxaynu nahay dal sabool ah,curdin ah oo aan la aqoonsan, Alle sabool inagama dhigin. waxaan idiin sheegayaa shan wasaaradood oo muhiim ah beeraha,kaluunka,biyaha xanaanada xoolaha iyo deegaanka intaas oo laysku daro wasaarada madaxtooyada ayaa ka miisaaniyad badan.

Kumaynaan  talo galin in aan wax soo saar yeelano, xoolihii waa ay inaga dhamaadeen oo waxaynu u baahanay in aynu kaluun aynu dhoofino aynu halkaas ka soo saarno, dhulal fog fog ayaa looga yimaadaa si badeena looga kaluumaysto.”

Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaanu indha-indhayn ku samaynay saddex miisaaniyadood 2015,2016 iyo 2017 waxaan soo saarnay waxa inagaga baxa waxaynaan u baahnayn, waxaynu ku bixinay wax aynaan u baahnayan 75 milyan oo doolar.”

Sidoo kale Eng. Maxamed Xaashi, ayaa tilaamay in miisaaniyadii loo qoondeeyay wasaaradda Maaliyadda snadkii tegay  aanay  wax wax lagu soo saari karro ahayn, isla markaana uu TV-ga qaranku ka miisaaniyad bad-naa.

“Miisaaniyadii la siiyay wasaarada beeraha sanadkii dhawaa markaad u fiirsato wax wax lagu qaban karo iyo wax wax lagu soo saari karo ma aha.

Markaas  inuu Tv-gu ka badsado ma aha, in wasaarada madaxtooyadu ka badsato maaha maanta cuntadeenii ayaynu u baahanay in aynu soo saarno oo calafkii xoolahuna ay ku jiraan,waayo meel ay daaqaanba xoolii ma jirto oo waatan dhulkii la wada ootay” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.