Thursday, April 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Golaha Guurtidda Somaliland Oo Puntland iyo Soomaaliya Ku Eedeeyay Nabadgelyo Darro Ay Ka Hurinayaan Mandaqadda

Published on January 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Golaha Guurtidda jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland in ay  farro gelin iyo  xaalad ay ku abuurayaan qalalaase iyo nabad gelyo daro ka dhacda dhulka Somaliland.

download (2)

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta  yeesheen golaha Guurtidda Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  xildhibaanadda loogu qaybiyay warbixin la xidhiidha xad-gudubyadda ay maamulka Puntland iyo dawladda Xamar ku sameeyeen dhulka Somaliland todobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa kaloo qodobadaasi ka mid ahaa tallaabadii ay dawladda Soomaaliya kula wareegtay maamulka hawadda iyo falalkii lagu weeraray doorashadii iyo diiwaangelintii Somaliland ka dhacday sanadkii tegay degaamo ka tirsan goboladda Sanaag iyo buuhoodle.

Guddoomiye ku-xigenka kowaad ee golaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali, ayaa   mudaneyaasha u   akhriyay  5 qodob  oo ku saabsan  xaaladda ka taagan xuduudka Somaliland la wadaagto Puntland iyo go’aanka ay ka gole ahaan ka soo saareen.

sicid

Waxaanu yidhi “Muddooyinkan danbe  dawladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland  waxay wadeen farro gelin iyo dibin daabyo  ay ka dhex wadeen  Somaliland iyo Puntland, taasoo ah xaalad ay ku abuurayaan qalalaase iyo naabd gelyo darro ka dhacda xadka labadda dal.

Falalkan ay ku kaceen dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland, waxaa ka mid ah:

1: Dawladda Soomaaliya waxay caadaysatay  in aanay ixtiraamaynin  heshiisyadii u socday labadda dawladood  ee Somaliland Soomaaliya wada gadheen, waana koow ka ah heshiiskii hawadda ee ay wada saxeexdeen Somaliland, Soomaaliya iyo hay’adda ICAO.

2: Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland waxay qaraar ku ansixiyeen dagaal lagu qaado Somaliland gaar ahaan goboladda Sool iyo Buuhoodle.

3: Falal lagu arbushaayo lagu-na wiiqayo xaaladii diiwan gelinta iyo doorashadii Somaliland oo ay ku soo qaadeen goobo ka mid ahaa goboladda Xaysimo iyo Badhan, diiwaangelintii iyo kaadhadh qaadashadii oo ay iyana goobo ka qaateen qalabkii cod bixinta, sanaaduuqdii iyo kaadhadhkii.

4: Wasiirka qorshaynta xukuumadda Soomaaliya, wasiirka amniga  maamul goboleedka Puntland iyo xubno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka federaalka ah iyo Puntland oo watay ciidamo badan waxay xad gudub ku sameeyeen gudaha dhulka Somaliland.

Meelihii ay tegeen-na waxay ka jeediyeen khudbaddo iyo hadallo xanaf leh oo nabad gelyo darro abuuraya, waxaanay  halkaas ka sameeyeen abaabul ciidan oo ka soo hor jeedda jamhuuriyadda Somaliland.

5: Ciidamadda Somaliland marna xad-gudub kumay samaynin xuduudka labadda dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, ciidanka Somaliland waxay ku sugan yihiin xuduudka dalka jamhuuriyadda Somaliland gudihiisa.

Dhacdadii doraad dhacday ciidanka jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhiisimadiisa iyo saldhigyadiisa waxaa weerar qaawan ku soo qaaday ciidan ka tirsan maamulka Puntland.

Dhamaanba  tallaabooyinkaasi waxay xaqiijinayaan in dawlada  Soomaaliya iyo maamul goboleedkeeda Puntland  ay siyaasiyan si badheedh ah u abuurayaan xaalad dagaal oo ka dhacda mandaqadda.

Geesta kale guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, oo hadal  u jeediyay mudaneyaasha ayaa faahfaahin ka siiyay  waxa keenay  in fadhi aan caadi ahayn ay yeeshaan, maadaama oo goluhu fasax ku jiro. Waxaanu yidhi  “Saaka (shalay) waxaanu idiinku yeedhnay kal-fadhi qayrul-caadi ah, taasoo ah xaalad dagaal ayaa la inagu abuuray  oo ka timid Soomaaliya iyo Puntland.

Mar-naba inagu (Somaliland) xuduudkeena in aan dhaafno iska daayoo maynaan gaadhin, Tuko-raq  60KM  bay u jirtaa xuduudkeena. Xuduudku-na waa Yoocadda, iyadoo  xadkeenii intaa yahay ayaa hadana af-lagaado iyo daan-daansi la inagu hayaa”.

“Marnaba kamaynaan bixin xuduudkeenna, kumana tallo jirno, laakiin xadkeena in aynu gaadhno waa waajib. Wasiirro Soomaaliya ka mid ah  ayaa iyagoo ciidamo wata dalkeena soo galay oo ilaa Badhan yimid,  oo ku faanayay.

Markaa waxaanu idiinku yeedhnay in xaaladda maanta taagan aan isku wargelino, kana war qabno inagoo fasaxeena ku jirna ay hadana dhegtu ina taagnaato,  mar walbana aynu wada tashi isugu nimaadno” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.