Tuesday, July 17th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Go’aamo Laga Soo Saaray

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Kal-fadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

26230054_1525854207528427_7676417136600298523_n

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 11.01.2018, hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer iyo falaqayn ay ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sool.

Gaar  ahaan deegaanka Tuka-raq oo Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo isgarabsanayaa ay ku soo gardaroodeen, waxa gebagebadii shirka ka soo baxay go’aamadan:-

18838886_1525854004195114_1676128402284741715_n

  1. In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go’antahay in ay ilaalinayso xuduudaheeda, ogalaan doonnina in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.
  2. In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.
  3. In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.
  4. In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go’aankii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.
  5. In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go’aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.
  6. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.
  7. Guddida Nabadgalyada 5 wasaaradood
  8. Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka 9 Wasaaradood
  9. Guddida Arrimaha Bulshada 9 Wasaaradood
  10. Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta 6 Wasaaradood
  11. Guddida Cadaladda iyo Shuruucda dalka 6 Wasaaradood

Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad ee kor ku xusan.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

18838886_1525854004195114_1676128402284741715_n 26230054_1525854207528427_7676417136600298523_n (1) 26230054_1525854207528427_7676417136600298523_n 26231459_1525854217528426_20815361251861668_n 26239707_1525854364195078_790472548306329505_n 26804685_1525854134195101_333446764533164768_n

 
,, ,,,.