Tuesday, July 17th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“In dalku wax soo saar iyo siduu isugu filaan lahaa uu gaadho diyaar ayaanu u nahay oo muhiimadda la siiyo”… C/raxmaan Saylici

Published on January 12, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadda cusub ay ka go’an tahay  sidii dalku u gaadhi  lahaa isku filaanshiyo  dhinaca wax-soo-saarka gudaha ah.

C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay  in ay muhiimadda kowaad siinayaan mid dhaqaale, mid aqooneed iyo miisaaniyadda dawladaba sidii loo dhiiri gelin lahaa wax-soo-saarka dalka, isla markaana loo fulin lahaa hawshaasi.

beerah

Madaxweyne ku-xigeenku, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay  ka jeediyay  gebagabadda shir  muddo saddex maalmood ah  xarunta wasaaradda horumarinta beeraha uga socday aqoon yahanada  ku takhasusay arrimaha beeraha  oo ay kaga arrinsanayeen sidii dalku u gaadhi lahaa  isku filnaansho  dhinaca cuntadda ah.

Waxaanu yidhi “In maanta dalku wax-soo-saarkii iyo siduu isugu filaan lahaa   uu gaadho diyaar ayaanu u nahay. Siyaasadaan-na in aan fulino kolba itaalkeenu intuu ina gaadhsiiyo, oo maanta muhiimad gaara la siiyo wax-soo-saarka, haddii ay miisaaniyadda tahay, haddii ay fikir tahay iyo haddii ay dhaqaale tahay-ba, in aan hay’adaha wax-soo-saarka awoodda saarno, way naga go’an tahay”.

Isagoo  hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Wax la taliyeyaal la yidhaahdo ayaa dalka ka abuurmay, taliyeyaasha la sheego ee wasaaradaha iyo madaxweynaha isku wada geeyoo, waxay noqotay wax qofka lagu yarro naas-nuujinayo uun.

La taliyihii rasmiga ahaa ee wax ina tarayay ama wasiirka ama madaxweynaha la taliyaha u ah, waa in uu noqdo nin wax ku kordhinaya.  Laakiin imika waxay inaga noqotay, laba la taliye ama saddex la taliye oo wasiirku iska qoranayo, oo laba ilma-adeeradii ah,  oo uu qaab cadaalad darro ah uu ku naas-nuujinayo”.

Shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta beeraha waxaa  ka soo qayb galay  aqoon yahano dhinaca arrimaha beeraha ah iyo khubarro uu ka mid ahaa guddoomiyaha  guddi-hoosaadka khayraadka dabiiciga ah ee  golaha Wakiiladda xildhibaan Siciid Warsame Gaanni.

Waxaana gebagabadii kulankaasi laga soo saaray  qodobo ay iskula qaateen dhinacayadaasi mudadii uu socday  kaasoo  la xidhiidhay waxyaaba u baahan in wax laga qabto qorshaha dhaw iyo   qorshaha fog.

Sidoo kale Prof. Axmed  Cilmi Geedi,  oo ka mid ahaa aqoonyahamadii dhinaca beeraha ee kulankaasi ka qayb galay ayaa gebagabdii kulankaasi ka akhriyay qodobo laga soo saaray, waxaanu yidhi “In la sameeyo wacyigelin dhinac walba ah. In  la asteeyo dhulka ku haboon wax-soo-saarka gobol walba oo dalka ka mid ah.

In wasaaradu dejiso, ansixiso  qorshaha iyo nidaamka dhaw  ee beerashadda.Dhamaan hay’adaha iyo cidda ku hawlan  ka shaqaynta beeraha in ay raacaan qorshaha dhaw ee wax-soo-saarka, soona gudbiyaan  qorshahoodda dhaw  ee wax-qabadka  ee sanadka.

Wasaaradda horumarinta beeruhu waa in ay ku lamaanaysaa hay’adaha qof ka socda wasaaradda beeraha. Waa in wasaaradu xoojiso  xoojiso xiddhiidhka wada shaqaynta goboladda beeralayda, lanna xoojiyo awoodda  xafiisyadda wasaaradda ee heer gobol iyo heer  degmo. In la sameeyo biyo-joojin xoogan. In lagu dhiiri geliyo ganacsatadda meelgashiga wax-soo-saarka beeraha ah”.

A Sed)

Geesta kale wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha  Axmed Muumin Seed,  ayaa ka waramay  sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho cuntaddda ah, waxaanu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in   wax lala  soo baxo.   “Dalkiibaynu haysanaa, dalkiibaynu haysanaa.  Markaa  maxaa inaga hortaagan in aynu dalkeena wax kala soo baxno. Khubaradan,   oo isaga kala yimid goboladda dalka oo dhan markaanu kulamo badan samaynay oo gelinka dambe oo aanu wasaaradda ku shaqayno,  waxay ka gayoon wayday inay khubaradani isku timaado” ayuu yidhi wasiir Seed.

Isagoo hadlakiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan dareemayaa oo aan ka wasaarad ahaan dareemayaa,  shacabka Somaliland-na dareemayaan in wax soo saarka dalkeenu hooseeyo.  Maxaa  hooseysiiyey ayaa la is waydiiyay?, halka-na waxa ka soo baxay qodobo dhawr ah oo  qaar-na ay ahaayeen qaar yaalay,  qaar cusubi-na way ku jiraan.

Wasaaradda  waxa jooga dad wanaagsan oo u baahan in laga shaqaysiiyo,   inta wasaaradda dibada ka joogtay-na noqon mayso.  Waxaananu  isku dayi doonaa in aanu kulamada noocan oo kale ah xoojin doono bile-na ka dhigno”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Maxamed Cilmi Aadan,  oo isna xidhitaanka shirkaasi hadal ka jeediyey  ayaa  tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in lagu dedaallo sidii xooga loo saari lahaa wax soo saarka gudaha, isla markaana looga shaqaysiin lahaa dadka aqoonta u leh arrimaha beeraha.

 

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.