Sunday, May 31st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xad-gudub Ka Dhawro Maanso

Published on January 23, 2018 by   ·   No Comments

Maansadan oo magaceedda la yidhaado Xad-gudub ka dhawrso, waxaa curiyay abwaanka dhalinyaradda ah ee Nimcaan Aadan Ibraahim, oo ka mid ah abwaaniinta soo kacaya ee reer Somaliland.

download (2)

Waxaanu maansadan kaga hadlayaa xadka uu leeyahay qofkastoo bini’aadam ah iyo sida aanay ugu banaanayn in wax kasta uu sameeyo ama uu ku hadlo, isla markaana ay jiraan waxyaabo xakamaynaya qofka bini’aadamaka, sida diinta dhaqanka iyo xeerarka bulshadda dhexdeeda ah gaar ahaana bulshadda Soomaalida ah dhexdeedo.

Abwaan Nimcaan ayaa maansadiisan waxa uu si gaara diiradda ugu saarayaa weriyeyaasha Somaliland ka hawl gala oo inta badan qora waxyaabo bulshadda kala fogaynaya ummadda, isla markaana ka hor imanaya dhaqanka suuban.

Waxaanu abwaanku weriyeyaasha iyo warbaahintaba ugu hogo-tusaalaynayaa maansadani in aanay wax faa’iido ah lahayn in nin weriye ah uu arrimahaas oo kale ku kaco.

Maansadaasina waxay u bilaabantay sidan:

Xad buu leeyahay aadmigu

Xayndaab Ku weegaran

Xeer baa hor yaaliyo

Xujo aan la dhaafayn.

Xakamahaa hagaayoo

Xero dhaafi maayee

Xor baan ahay ninkii yidhi

Xikmad kuma tiraabine.

Xurguftoo sameeyiyo

Xagtintuu cid yeeliyo

Xumuhuu afkii galo

Xad-gudubka yaa yidhi

Xalaal weeyi ee fala ?

Xisku ruuxuu maqan yaa

Xaashida dembiga iyo

Xaraf qoraha qalinkaba

Xaakimkeen ka qaadaye

Xirfadlahan saxafigee

Xoogsanaaya yaa yidhi

Xornimaad u leedahay

Xarafkaad qoraysiyo

Xogta aad gudbinaysaa

Hadii ay xumaan iyo

Xajiin miidhan leedoo

Xulad nabada xooriyo

Xinjir qubata sobobtoo

Xeredeena bi,isona

Xoriyatal qawliyo

Xaq aad leeday weeyoo

Xeerku kuma qaban karo?

Xukuntama Allaa yidhi

Xumo ruuxa geystana

Xadka Marsha Allaa yidhi

Xarafkeena diintay

Xaqiiqdii Ku taalaa

Xasaradu ma fiicnee

Xor ma tihide didibsoo

Xadgudubka ka dhawrsada

Xukun baa ka yaaleee.

download (2)

Abwaan Nicmaan Aadan Ibraahim

Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.