Tuesday, October 27th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Muuse Biixi, waxaan ku aqaanaa oo aan markhaati ka ahay in uu yahay nin talladda wanaagsan qaata, anigana hore ayuu”… siyaasi Xasan Ciise

Published on January 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Siyaasi  Xasan Ciise Jaamac, ayaa xisbiyadda mucaaridka ah kula taliyay in ay isaga hadhaan hadaladda xanafta leh ee ay weli ku sii daba taagan  yihiin natiijadii doorashadii madaxtooyadda ee lagu kala calaf qaaday.

X C Jamac

Waxaanu mucaaridka gaar ahaana xisbiga Waddani ugu baaqay in aanay ku deg deign dhaliisha xukuumadda cusub oo muddo bilk a yar jirtay, isla markaana ay dhaliisha mucaaradadu ku fiican tahay marka ay xukuumadu muddo dhawr sanadood ah xukunka hayso.

Siyaasi Xasan Ciise Jaamac, ayaa sidoo kale xisbiga Waddani  xasuusiyay in siyaasiyan ay wanaagsan tahay in xukuumad kastoo dhalata mudadda hore la garab gallo, isla markaana wixii tallo ah ee ay siinayaan ay si hoos ahaan ugu gudbiyaan

Balse aanay wanaagsanayn in iyadoo xukuumadu maalmo uun jirtay  ay hadana warbaahinta u mariyaan waxyaabo ku haboonaa in ay si ka duwan sidaasi ugu sheegaan.  Waxaanu yidhi “Doorashadii madaxtooyadda waa tii lagu kala nasiib qaaday, qolooyinka mucaaridka ah waa kuwii ogolaaday natiijadii doorashadda.

Xukuumad  kastoo timaada ama cid kastoo maamul hogaaminaysa oo timaada, ma inta hore mise inta danbe? Inta danbe waa la naqdin karaa oo wax baa laga sheegi karaa, laakiin lixda bilood ee u horaysa dawlad kastaa waxay u baahan tahay in la garab gallo.

Dawlad kastoo timaadaa waxay xaq u leedahay mudadda hore oo dhan in loo nasteexeeo, in la waaniyo oo inta aan  warbaahinta laga dhaliilin, in si hoos ahaan ah wax loogu sheego. Asalkaba mucaaradadu wax dumin ma aha, waa wax toosin”.

Geesta kale siyaasi Xasan Ciise,  in madaxweyne Muuse Biixi uu ku yaqaano nin talladda wanaagsan qaata, isagoo ku guubaabiyay nin kastoo tallo nasteex ah haya in uu madaxweynaha u gudbiyo.

“Muuse Biixi, waxaan ku aqaanaa anigu   oo aan ka markhaati ahay  in uu yahay nin talladda wanaagsan ee nasteexa ah qaata. Aniga-na hore ayuu tallo  iiga qaatay,  shirkii dib-u-habaynta SNM ee Baligubadle  oo uu isagu shir-guddoominayay ayuu iga qaatay.

Nin kastoo tallo nasteex ah hayana waxaan leeyahay ku dhiiro oo ula tag. Haddii sidii aan ku aqaanay uu yahay Muuse, wuu qaadan doonaa” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay gurigiisa magaaladda Hargaysa.

Ciise

Dhinaca kale Xasan Ciise, waxa uu baaq u diray madaxweyne Muuse Biixi oo uu ugu baaqay in ay waajib ku tahay sidii uu ummadda reer Somaliland u midayn lahaa, isla markaana u bogsiin lahaa xanaftii ka dhalatay doorashadii iyo rebshadihii ka danbeeyay.

Xasan Ciise, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadda uu Muuse Biixi hogaaminayo iyo xisbiga Kulmiye, waxaa mar kasta waajib ku ah oo ay talladooda iyo fiilkoodaba  had iyo jeer ku salaysnaato,  midaynta ummadda. Waxaana umadda lagu midayn karaa cadaalad iyo walaalnimo daacad ah, waxaan ahayn ummadda laguma midayn akrro”.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Madaxweynuhuna wuxuu ku balan qaaday maalintii la dhaariyay in uu bogsiiyo nabaradii doorashadii madaxtooyadda ka dhashay iyo dadkii ku dhintay mudaharaadyadii ka danbeeyay.

Waxaanan madaxweynaha xasuusinayaa in shaqadiisa kowaad ay tahay bogsiinta wax allaale wixii dhibaato ah ee ka dhashay doorashadii”.

 

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

Horyaal TV oo waraysi la yeeshay Mustafe-Shiine oo ka tirsan gudida dabagalka dacwada ka dhanka ah BBC Somali

    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid Petition ka lagaga cabanayo BBC da

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...