Saturday, October 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Badhasaabadda Goboladda Qaarkood

Published on January 29, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay  sagaal badhasaabyadda goboladda dalka ah, afhayeenka amdaxtooyadda iyo la taliyaha  madaxweynaha arrimaha bulshadda.

Warka-Muuse

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland badhasaabyadda  uu madaxweynuhu magacaabay  ayaa qaarkood hore u sii hayeen xilalka halka, qaarkoodna ay ku cusub  yihiin.

War-saxaafedeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

 

WAR-SAXAAFADEED:29/01/2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka

  1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  2. Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
  3. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
  4. Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal
  5. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
  6. Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd
  7. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar
  8. Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal
  9. Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha
  10. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
  11. Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.

Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

Horyaal TV oo waraysi la yeeshay Mustafe-Shiine oo ka tirsan gudida dabagalka dacwada ka dhanka ah BBC Somali

    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid Petition ka lagaga cabanayo BBC da

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...