Thursday, May 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Published on February 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa  (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

27654944_1551648668282314_5247925876590723624_n

Waxaana kulanka madaxweynaha iyo komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee loo asteeyey inay dalka ka qabsoonto horaanta sanadka 2019-ka.

Iyadoo   madaxweynuhu guddida doorashooyinka qaranka kala hadlay sidii ay u samayn lahaayeen jadwal sax ah oo ku jaan go’an doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib uga dhicin waqtigii hore loogu asteeyey, isaga oo muujiyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin wixii dhinacooda looga baahdo ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinkaas.

27655084_1551648721615642_8671410376988443672_n

Xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa dhinacooda ballan qaaday inay hawshaasi sideeda u fulin doonaan, kuna dedaalayaan in aanay maalin dib u dhicin doorashadu; sidoo kalena, ay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ka hayaan ballan-qaad rasmi ah oo sheegay inay diyaar la yihiin.

Wixii  kharashaad ah ee ku baxaya doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka, madaama oo xukuumaddu muujisay sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinkaasi waqtigii loo asteeyey ku qabsoomaan.

 

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.