Saturday, August 18th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland

Published on February 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Shirkii  caadiga ahaa golaha wasiirradda jamhuuriyadda Somaliland oo ay maalin kastoo khamiis ah yeeshaan ayaa maanta lagaga  hadlay  dagaaladda dhexmaray  qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland, saamayn taban-na ku yeeshay bulshadda reer Somaliland.

27545592_1552553791525135_8104329557146110095_n 27654989_1552553811525133_1842077430085258567_n

Kal-fadhigan oo ahaa kii shanaad ee ay yeeshaan golaha wasiirradda xukuumadda madaxweyne Biixi oo uu isagu shir-gudoominayay ayaa sidoo  kale waxay wasiirradu dareen adag ka muujiyeen dhalinyarada rebshadaha ka sameeya magaalooyinka waa weyn ee dalka qaarkood.

Waxaanay golaha wasiirradu   gebagebadii shirkaasi ka   soo saareen saddex   qodob oo wax lagaga qabanayo xaaladaha taagan ee laga dooday.

Sidoo kale golaha wasiirraddu waxay soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo xal waara oo lagu xakameeyo lagagana hortago in isku dhacyada beeluhu aanay dib u soo noqon iyo in la xoojiyo nidaamka dawladnimada si bulshadu u hesho nabadgalyo buuxda, wixii dhibaato ah ee iminka jirana lagu dhammeeyo hab dawladnimo.

27544863_1552554248191756_5550974778307024031_n 27544954_1552553801525134_3830804241295804226_n

Geesta  kale waxaa wasiirradu ku dheeraadeen in ay dalka ka jirto xaalad abaareed loona baahan yahay in la helo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha dalka ku soo noqnoqonaya iyo in la sameeyo daraasad sal balaadhan oo ku wajahan abaaraha.

Waxa kaloo  golaha wasiirradu ka hadleen ka ganacsiga noocyada duur-joogta oo qaybo dalka ka mid ah laga soo sheegay, gabagabadii shirka waxa ka soo baxay qodobadan:-

  1. In guddida nabad-galyadda golaha wasiirradu ay daraasad qoto dheer ku soo sameeyaan sida looga hortagayo dagaaladda beelaha ee in badan soo noqnoqonayey.
  2. In la sameeyo daarasad cilmiyaysan iyo qorsheyaal wax ka tari kara abaaraha soo noqnoqday, iyagoo kaashanaya aqoon yahan-nada iyo Jaamacadaha Dalka
  3. In sida uu dhigayo Xeer Lr: 69/2015 ay mamnuuc tahay in muwaadiniin iyo Ajaanib-tu ay ka ganacsadaan duurjoogta dalka nooc kasta oo ay tahay iyo falkasta oo lagu dhibaataynayo

“Duur –joog: waxaa loola jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku jira ugxanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo kalluunka”.

27540982_1552554468191734_5577827783917170208_n 27544863_1552554248191756_5550974778307024031_n 27544954_1552553801525134_3830804241295804226_n 27545213_1552554808191700_3405729682009701832_n 27545592_1552553791525135_8104329557146110095_n 27654989_1552553811525133_1842077430085258567_n 27656962_1552555088191672_7114835712531272120_n 27657166_1552554234858424_8884494961815913500_n 27750100_1552554948191686_8599421049461589810_n 27750267_1552554624858385_4970325311304212988_n 27750501_1552554534858394_4972044218520924245_n 27858595_1552554768191704_4756040359064129801_n 27858606_1552554848191696_3523489332673339293_n 27858847_1552554434858404_8942980164877968403_n

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.