Monday, October 22nd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga Oo Xaaraan Ku Tilmaamay In Wadahadal Lala Furro Soomaaliya

Published on February 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xubno ka mid ah siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee Somaliland ayaa uga digay xukuumadda in ay wax wada hadal ah la furto dawladda federaalka Soomaaliya.

Sawir Madasha

Waxaanay  ku taliyeen in aan loo baahnayn in Soomaaliya wax wada hadal ah lala furo ilaa inta ay qiranayaan in dadka reer Somaliland ay xasuuq u gaysatay dawladda milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Prof. C/salaam Yaasiin, oo maanta si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Hargaysa waxay tilmaameen in aanay jirin wax  faa’iido ah oo dawladda Somaliland ugu jira in ay Soomaaliya wada hadal la furto.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa cadeeyay  in aanay banaanayn in  gebi ahaanba wax wada hadal iyo xidhiidh ah lala yeesho Soomaaliya, isagoo hay’adaha caalamiga ah gaar ahaana qaramadda midoobay ku dhaliilay in ay badhitaano ku sameeyaan dhibaatooyinkii xukuumadii Siyaad Barre u gaystay shacbiga Somaliland.

download

Isagoo  arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wax rejo ah oo Somaliland iyo Soomaaliya ka soo muuqda ama ka dhexeeya ama iman karaa, ma qabo in ay jiraan mustaqbalka iyo imikaba. Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysaa way ka seexdeen in ay ka hadlaan xasuuqii dadka reer Somaliland loo gaystay.

Waanay ina hagradeen UN-ku oo wixii baadhitaano ahaa ee ay ka sameeyeen wadamadii xasuuqu ka dhacay sida Ruwanda, oo ay baadhitaan ka sameeyeen   wixii dadka Somaliland loo gaystay.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxaan ka maqlayay shuruud yaan lala imanin. Shuruud waa lala Imani, oo dadkii waxan (xasuuqii) gaystay xagoodda (koonfurta) waxay ka qoran yihiin niman geesiyaal ah, halkii laga ciqaabi lahaa ayay ka dhigeen ragg geesiyaal ah. waana laba fikradood oo aad u kala fog”.

Geesta kale Eng. Maxamed Xaashi, waxa uu sheegay in ay  danbiileyaal noqonayaan cidii Somaliland ka socota ee shir la fadhiisata Soomaaliya, isla markaana uu isagu u arko in if iyo aakhiraba col ay yihiin. “Anigu waxaan qabaa, ninkii tagaana waa khaayin, in ay cidi inaga tagtana ma aha.

Wada hadalka-na haddii aanay Soomaaliya ka garaabaynin wixii la inoo gaystay, oo raggii wax gaystay aanay daba gelaynin, oo danbigii aan lagu qaadaynin, in aynu wada hadalano   ma aha, in aan u tagna-na ma aha, in aan wax isku darsanana ma aha, if iyo aakhiraba in aynu col ahaano weeye”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Dhinaca kale Prof. C/salaam Yaasiin, ayaa u jeediyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi in wada hadal lala furo Soomaaliya ay ka mudan tahay in Somaliland ay marka hore dhamaystirto waxyaabaha bulshadeedda ka dhex taagan.

Prof-C.salaan-Yaasiin-Gabay-xadi

Waxaanu yidhi “In la doodo ayaan aad ugu dardaaraynaa xukuumadda cusubi in ay ku dedaasho, oo ay yarayso ama joojisaba wada hadaladan kale ee inaga (Somaliland) iyo Soomaaliya inaga dhexeeyay.

Waana in aynu ka soo hor marino, oo aynu mudnaanta kowaad siino in inaga (Somaliland) gudaheenu dhamaystirano waxyaabaha is-afgarasho iyo midnimo iyo in aynu maamulka dawliga ah dalka wada gaadhsiino”.

Hadalkan ka soo yeedhay madaxda madasha wada tashiga ayaa la xidhiidha kulan  uu madaxweyne Muuse Biixi todobaadkan xarunta madaxtooyadda kula yeeshay  hogaamiyeyaasha labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

Kulankaasi  oo arrimihii ay dhinacyadu ka wada hadleen ay ka mid ahayd sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa wada hadladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.