Thursday, May 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Faratoon Oo Ka Hadlay Shir Uu Senegal Kaga Qayb Galay

Published on February 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO):  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Shir ku saabsan Waxbarashada oo ka dhacay Caasimadda dalka Najeeriya, ee Abuja.

Faratoon

Waxaanu  tilmaamay in Shirkaas Somaliland lagu soo casuumay, balse ay waxba kama jiraan yihiin wararka qaar ka mid ah warbaahintu ay qoreen ee sheegaya in Somaliland Shirkaas kaga qayb gashay qaab liidata oo la mid ah sida maamul Goboladyeedada Somaliya.

Wasiirku waxa uu ku dooday in shirkaasi Somaliland lagu soo casuumay iyadoo ah dawlad ka madax banaan Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda ka jira.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika arrintan wax ka weydiisay ayaa ugu horeyn ku jawaabay, oo uu yidhi  “Inagu waxaynu nahay dal iyo dad jira, oo ka madax banaan Somaliya, Somaliya waa wadan gaar ah oo aynu kala go’anay, dibna aynu ugala soo noqonay xoriyadeenii, Somaliland waa dal jira, oo wax walba oo looga baahnaa dal iyo dawladba weynu qabsanay.

Waxaynu  gaadhnay heer aanay wali gaadhin Wadamo badan oo ka tirsan Caalamka, horumarka dalkeena ka hanaqaaday waxaana ka mid ah sida Doorashooyinka ay dadku iskooda cida ay doonaan ugu coddeeynayaan, Dimuqraadiyada, Nabadgalyadeena sugan iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta.

Waxaas oo dhana waxay ku yimaadeen qaabka wanaagsan ee aynu iskugu tashanay, iyo dadaalka badan ee aynu sameeynay, waxayna taasi keentay in horumarkeena wadan walbaaba u bogo, markaas Shirkana si rasmiya ayaa la inoogu marti qaaday”.

“Dal  ahaan baa la inagu marti qaaday, ee waa ayaan daro in maamul Goboleedyo la ina barbar dhigo, iyagu iskood ayey u socdeen, ama Maamul Goboleedyo ha ahaadan ama Somaliya ha ahaadan, ee inaga Somaliland baa la ina yidhaahda.

Markaa  ma aha in wax aan la hubin la iska qoro, ee wararka la qorayo ha la iska hubiyo, Shirkana magaca Somaliland baa la inagu marti qaaday ee cid la inoo soo maray oo wakiil inaga ahayd ma jirto” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

 
,, ,,,.