Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiyaha UCID Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Kulankii Ay Mucaaradku La Yeesheen Madaxweyne Biixi

Published on February 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa faahfaahin ka bixiyay shir wada tashi oo ay xisbigiisa iyo xisbiga Waddani wada qabanayaan oo ku saabsanaa xaaladda siyaasadeed ee dalka.

download

Waxaanu tilmaamay in baaqiisu ahaa mid  uu uga danlahaa in wax lagu hagaajiyo, isla markaana mucaaradku iyagoo isku dhinac ah ay xukuumadda ku taageeraan wixii wanaagsan ee ay qabato wixii qaldana ay ka joojiyaan.

Eng. Faysal, oo maanta telefishanka Kalsan ugu waramay garoonka diyaaradaha Hargaysa oo uu ka sii dhoofayay isagoo safar ku tegaya dalka Garmalka waxa kaloo uu ka hadlay kulankii uu dhawaan madaxweyne Biixi la yeesheen hogaamiyeyaasha mucaaradku.

Wuxuu sheegay in ay madax weynaha ka wada hadleen sidii loo daawayn lahaa qaybsanaantii bulshadda dhexdeedda ay ka dhalisay doorashaddii madaxtooyadu iyo sidii wakhtigoodda  ugu dhici lahaayeen  doorashooyinka  golaha Wakiiladda iyo goleyaasha degaanka.

Geesta kale guddoomiyaha UCID waxa uu ka warbixiyay u jeedadda safarka uu ku tegayo dalka Garmalka iyo sidoo kale qadiyadda Somaliland ee goboladda bariga, wadahadalkii Soomaaliya oo dib loo furo iyo arrimo kale.

Daawo Waraysigaasi:

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.