Monday, October 22nd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wadahadallo Nairobi Uga Furmay ONLF iyo Dawladda Itoobiya

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Nairobi (SDWO): Wada hadallo hor dhac ah ayaa uga furmay ururka ONLF iyo dawladda Itoobiya, madax ka kala socda labadda dhinac ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin  dalka Kenya.

E Opng

Ma cadda mudadda uu wada hadalku soconayo iyo dulucda shirkaasi, mana jiraan wax war rasmiya oo labadda dhinac ka soo saareen. Iyadoo uu weli shirkaasi socda, isla markaana aanay labadda dhinac wax war ah ka soo saarin.

Afhayeenka-Jabhadda-Xoreynta-Ogaadeenia-ee-ONLF

Hase yeeshee af-hayeenka jabhadda ONLF  Af-hayeenka jabhadda ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge (Cadaani), oo faahfaahin ka bixinayay shirkaasi iyo arrimaha lagaga wada hadlayo, waxa uu yidhi “Shirkaasi saaka gelinkii hore ayuu ka bilaabmay, weli-na in lagu guddo jiro ayaan ku wadnaa.  Wax ka soo baxay oo ay dhinacyadu soo saaree-na  ma jirro. Inta bada-na wadahadaladda noocaas ah labadda dhinac ee wada hadlaya iyo qoladda dhexdhexaadinaysa  ayaa is-la af-garta sidii saxaafadda loola wadaagi lahaa. Markaa weli kulankii ayaa lagu maqan yahay”.

Wuxuu sheegay dhinaca jabhadoodda ay shirkaasi uga qayb gelayaan afar xubnood. “Afar  masuul ayaa xaggayaga ka socota,  Itoobiya-na afar xubnood ayaa ka socda.  Xubnaha dhinacayaga ka soca ayaan magacaabi karaa, hogaanka arrimaha dibadda oo ah madaxa guddiga wadahadaladda, xoghayaha golaha dhexe, Dr, Cibaado Xirsi,  oo ka mid ah guddiga fulinta ONLF iyo Sulub Cabdi Axmed, oo isna ka tirsan guddiga fulinta ONLF, afartaas ayaa dhinacayaga metelaya shirka. Dhinaca Itoobiya-na afar xubnood ayaa wadahadaladda u metelaya”ayuu yidhi Cadaani Hirmooge oo u waramay idaacadda VOA.

Mar la waydiiyay af-hayeenka in shirkaasi uu joogo madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi  “Waa ka mid ayaan maqlay weftiga ka socda dhinaca dawladda Itoobiya, laakiin afar xubnood in ay yihiin ayuunbaa si rasmiya la noo soo gaadhsiiyay in ay metelayaan dhinaca dawladda Itoobiya, tirro isku  dhiganta ayuunbaa kolay ka kala imanaysa labadda dhinac”.

Isagoo guud mar ku samaynayay taariikhda wadahadaladda ay hore u soo yeesheen jabhadda ONLF iyo dawladda Itoobiya, waxa uu yidhi “Sanadkii 1989-kii ayaa markii u horaysay  jabhadda ONLF iyo jabhadda TPLF ay is hor fadhiisteen,  xiligaas oo ay dawladda Sudan dhexdhexaadinaysay.  Dabayaaqadii 1190-kii ayay  hadana  ku kulmeen magaaladda Khartuum ee dalka Sudaan,  bishii July 1991-kii ayay  mar kale labadda dhinac ku kulmeen magaaladda Addis Ababa, gaar ahaana safaaradda dawladda Suudaan dhexdeedda”.

Waxaanu intaasi ku daray “Wixii intaa ka danbeeyay ilaa afartameeyo kulan ayaa dhex maray ONLF iyo Itoobiya, oo magaaladda  Harrar ka dhacay, oo Diridhaba ka dhacay, oo Addis Ababa ka dhacay, oo Qabridahare ka dhacay,  oo Jigjig aka dhacay, oo Dhagax-Buur ka dhacay,  oo Nairobi ka dhacay, oo Dubai ka dhacay,  oo wadamo kaloo dibadda ah ka dhacay.

Arrimo waaweyn ayaa la isku diidan yahay,  taariikhdaasi ayuunba soo maray wadahadalku, imika-na dawladda Kenya ayaa  na dhexdhexaadinaysa” ayuu yidhi af-hayeenka ONLF.

Afhayeenka-Jabhadda-Xoreynta-Ogaadeenia-ee-ONLF

Dhinaca kale C/qaadir Hirmooge, oo la waydiiyay maadaama oo ay jireen wadahadallo hore oo labadda dhinac dhexmaray oo aan wax guul ah laga gaadhin sababta soo celisay wadahadalkan imika, waxa uu yidhi “Kulankani wuxuu bilawday sanadkii 2012-kii markaasoo raysal wasaasrihii hore ee Itoobiya Males Zenawi  uu dalbaday,  oo uu madaxweynihii hore ee dalka Kenya  Moe Kibaki uu ka dalbaday, isagoon kulankaasi bilaabmin ayuu Males Zenawi geeriyooday.

Dib ayuu u furmay sanadkii 2013-kii, muddo ayaanu socday ilaa lix kulan ayaana dhacay, waxyaabo iska bilaw ah waa lagu heshiiyay,  laakiin waxyaabihii aasaasiga ahaa lagama heshiinin waxaana hakiyay dhanka Itoobiya oo aanu diyaar garowgoodu dhamayn, isla markaana  marxalad kala guur ah marayay.

Hadda waxaan is-leenahay is-bedello waaweyn ayaa ka dhacay Itoobiya, duruufaheedii way is-bedelayaan,  shucuubta lama gumaysan karayo, is-adoonsi wuu dhamaaday, qarnigan 21-aad qawmiyad ka fiican qawmiyadaha kale ma jirayo,  shacbi ka hoosayn kara shucuubta kale ma jiro,  qolo ka badsan kartaa ma jirto, qolo xoriyadda  jeebka ku haysan karta iyo qolo  gurigeedda lagu hayn karaa ma jirto”.

Sidoo kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay  sababta keentay in xiligan ay mar kale wadahadaladani dib ugu furmaan. “Markaa Itoobiya marxaladahaas ayay gashay, arrimahaas ayaanu ku soo beegmay wadahadalankani. Is-bedello waaweyn oo maalinle ah ayaana ka dhacay Itoobiya,  oo todobaadle ah, oo bille ah.

markaa saamayn in ay leeyihiin waxyaabahaasi ayaynu garan karaynaa,  waanay ka muuqataa in arrimahani ay saamayn ku leeyihiin siyaasadda Itoobiya,  xoogag cusub ayaa dhalanaya, duruufo cusub ayaa imanaya, xaqiiqooyin la iska indhotiri jiray ama wacyiga dadka ama kartidoodda dhaqaale aanay gaadhin  ayaa maanta soo baxay, waxyaabahaas ayaana miiska is keenaya”ayuu yidhi Cadaani Hirmooge.

Ugu danbayn C/qaadir  Hirmooge, oo la waydiiyay rejadda uu ka qabo in natiijo wanaagsan iyo is-af-garad uu ka soo baxo shirkaasi ayaa tilmaamay ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay arrintaasi. Waxaanu yidhi   “Kolay  aad ugama hor dhici karno, waxaan is-leenahay waa wadahadallo qodobadiisu aad u waaweyn yihiin,  oo aayo ka talin ummaddeed ku saabsan, oo mag-dhaw ku saabsan,  oo xoriyad iyo afti ku saabsan, oo dhaqaale iyo dulmi boqol jirsaday ah iyo jiritaanka qawmiyadda Soomaalida la xidhiidha weeye.

Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaanu u hadlaynaa, ma aha oo keliya in aanu dadka Ogaadeeniya u hadlayno, dulmigii jamhuuriyadii Soomaaliya loo gaysanayay iyo farogelino, arrimahaas oo dhan ayaanu ka hadlaynaa.

Markaa waxaan is leenahay duruufaha jira awgeed kuwii hore way dhaantaa,  saadaashuna way ka duwan tahay kuwii hore,  laakiin in aan aad uga hor dhaco ma fiicna”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.