Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Ka Hadashay Dhalinyarro Ay Dawladda Qadar Askarinimo U Qoranayso

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa  (SDWO): Dawladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa arrin aan munaasib ahayn ku tilmaantay qorshe ay dawladda Qadar ay dhalinyarro reer Somaliland  ugu qoranayaan askarinimo.

images

Iyadoo ay jirtay labaddii bilood ee ina dhaafay ay magaalooyinka Somaliland gaar ahaana caasimadda Hargaysa ka socotay qorshe ay dawladda Qadar ku qoranayso askarinimo boqolaal dhalinyarro ah si ay u koriso tiradda ciidamadeedda.

Wasiirka  wasaaradda Shaqada iyo  Arrimaha bulshadda Somaliland   Hinda  Jaamac Xirsi, oo maanta warfidiyeenadda  la hadashay   ayaa  sheegtay in  arrintaasi ay tahay mid  aan loo baahnan in dalka Qadar dhalinyarada Somaliland askarimo u qaataan.

Waxaanay  u soo jeedisay dhalinyarada Somaliland in haddii ay askarinimo doonayaan ay is qoraan ciidanka qaranka jamhuuriyadda  Somaliland, balse aan loo baahnayn in ay dal shisheeye ciidankiisa is qoraan.

Wasiir Hinda Jaamac Xirsi,  oo arimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaan u arkaa arrin aan munaasib ahayn  in dhalinyardeenii askar  uu u  qorto wadanka  Qadar,    iyadoo dalkeenii ciidan u baahan yahay, waana qof lunsan, waxaana  qaldan waalidiinta ambabixinaysa  dhalinyarada.

Waxaanan  leeyahay dhalinyaradu haka fiirsato askarinimadaa loo qorayo  Qadar,   waxaanan u arkaa in ay tahay arrin qaldan,  ardayda dhamaysatay waxbarashada ee reer Somaliland waa in ciidanka    Somaliland la qoro oo ay ka mid noqdaan”.

Geesta kale wasiir Hinda, waxay sheegtay in cida leh masuuliyadda ah in ay ogaato u jeedadda ka danbaysa dhalinyaradan ay dawladda Qadar qoranayso iyo waxay qaban doonaan in ay tahay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waxaanay ku dooday in aanay arrintaasi masuuliyadeedda wax shaqo ah ku lahayn wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda.

“Dhalinyaradu dalka ayay dibada uga baxayaan cida xaq u leh inay ogaato muxuu ku salaysan yahay dhalinyaradan Qadar qoranaysaa,  waxa  aan qabaa in aanay cidiba is  waydiin,  cida hawshahaas wada.

Waana  shaqadii  wasaaradda arrimaha dibada,  wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshadu-na wax shaqo ah  oo ay ku leedahay ma jirto arrintaasi” ayay tidhi marwo Hinda Jaamac.

 

By: Khadar Maxamuud Dhako

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.