Saturday, February 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Beeraha Oo Furay Shir Ku Saabsan Dar-dar Gelin Cunto Soo Saarka Dalka+Sawirro

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha  Axmed Muumin Seed, ayaa     furay shir ay wasaaradda iyo hay’addaha beeraha ka shaqeeyaa kaga arrinsanayeen sidii loo dar dar gelin lahaa kor u qaadista  hawlaha Cunto soo saarka dalka.

27657895_2074048942611638_9113664460706025090_n27857821_2074050675944798_8255428347515177874_n

Shirkan oo maanta ka dhacay xarunta wasaaradda horumarinta beeraha  waxa ka soo qayb galay hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wasaaradda kala  shaqeeya arrimaha beeraha.

Waxaana  wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo  maareeyaha hay’adda maaraynta aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka.

Axmed Muumin Seed, wasiirka horumarinta beeraha  oo hadal   ka jeediyey furitaanka shirkaasi ayaa  sheegay in loo baahan yahay hawlaha beeraha markay hay’adduhu ka shaqaynayaan in guud ahaan laga wada socdo si loo doorto sida ay ugu kala muhiimsan yihiin.

27751766_2074048762611656_3682238974506063663_n

Waxaanu  yidhi “Wasaaradda horumarinta beeruhu waxay dhiirigelinaysaa in dhammaan dhinacyada ka shaqeeya arrimaha beeruhu ay wasaaradda kala socodsiiyaan hawlaha ay qabanayaan si loo kala horumariyo siyaabaha ay muhiimadda u kala leeyihiin, isla markaana ay hawlaha la qabtaa  joogto u noqdaan.

Shirkan aynu isugu nimid waxa uu daaran yahay sidii aynu uga wada socon lahayn hawlaha beeraha ee la qabanayo ee aanay cid walba meel gaar ah hawsha ka wadeen si ay kor ugu kacdo heerka cunto soo saar ee dalku”.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha  Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa   tilmaamay inay muhiimadeeda leedahay in dhammaan hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeraha iyo wasaaradda beeruhu ka wada tashadaan nidaamka wax soo saar ee dalka.

27750019_2074050159278183_6394179084505255618_n

“Sharaf weyn ayay dhamaanteen inoo tahay in Wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeruhu shir ay kaga tashanayaan arrimaha wax soo saarka iskugu yimaadaan”ayuu yidhi agaasime Ilkacase.

Geesta kale maareeyayaasha hay’addaha la tacaalida Aafooyinka iyo  Kaydka raashinka ee Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirka ka soo qayb galay  ayaa   sheegay in wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addiisu  wadashaqayn balaadhani  ka dhaxayso.

27751656_2074048382611694_4277964270366027531_n

Waxaanu  yidhi   “Dhibaatooyinka qaranka waxa ka mid ah meelihii kaydka cuntada oo aanu dalku lahayn taasi ayaanu wasaaradda horumarinta beeraha ka wada shaqaynaynaa oo wada shaqayn balaadhan ayaa naga dhaxaysa”.

Ugu danbayn shirkan ayaa ahaa mid muddo hal maalin ah  soconayay,  iyadoo gabo gabadii shirka lagu balamay in la joogteeyo shirarka noocan oo kale  ah, si ay iskula jaanqaadaan mashaariicda horumarinta beeraha ee ay wadaan hay’adaha iyo wasaaradda beeruhu.

Daawo  Sawirrada:

27655167_2074050225944843_710003972172618307_n 27655508_2074050075944858_4781039030216674385_n 27655530_2074049865944879_1925605035446341066_n 27655541_2074048172611715_2163973485889545464_n 27657033_2074049662611566_7858322900360664907_n 27657491_2074050015944864_1357274541381252829_n 27657895_2074048942611638_9113664460706025090_n 27658065_2074048915944974_5966951803686246580_n 27750019_2074050159278183_6394179084505255618_n 27750166_2074049079278291_3080423756590245129_n 27751656_2074048382611694_4277964270366027531_n 27751766_2074048762611656_3682238974506063663_n 27751782_2074050209278178_5486765697259234629_n 27752606_2074048725944993_4642155436363748594_n 27857821_2074050675944798_8255428347515177874_n 27858127_2074048649278334_194514452581885719_n 27858432_2074048429278356_4588392875143722783_n 27972047_2074048622611670_6628188886881533413_n 27972158_2074049819278217_9027163239297205274_n 27972486_2074049869278212_8149284493213304528_n 27972611_2074049112611621_7972349858977129878_n 27972995_2074048752611657_352598383642760640_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.