Saturday, February 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Buuhoodle: Wasiirka Hawlaha Guud Oo Kulamo La Yeeshay Masuuliyiinta Gobolka iyo Kuwa Laamaha Dawladda

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Buuhoodle (SDWO): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta jamhuuriyadda Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi,  oo ku sugan magaaladda Buuhoodle ayaa maanta kulamo la yeeshay madaxda gobolkaasi iyo masuuliyiinta laamaha dawladda.

download

Wasiirka oo shalay  gaadhay Buuhoodle ayaa kulamadda uu shalay la yeeshay masuuliyiinta laamaha dawladda ee degaankaasi iyo madaxda gobolka Buuhoodle waxa uu ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyadda aasaasiga ah ee arrimaha bulshadda.

Siday sheegayaan wararka aanu Buuhoodle ka helayno wasiirku waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay masuuliyiinta iyo madax dhaqameedka degaankaasi.

Waxaanay madaxda gobolka iyo kuwa laamaha dawladu wasiirka ka codsadeen sidii sidii ay xukuumadda cusub ee Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta baahiyaha adeegyada bulshadda  gobolka oo aad u  hooseeya, isla markaana  loo tayayn lahaa.

Maadaama  ay adeegyada  bulshadda  ee aasaasiga ahi ay laf dhabar u yihiin nolosha bulshadda iyo mda degaankaba. Iyadoo masuuliyiintii laamaha dawladda ee uu la kulmay ay ka mid ahaayeen wasaaradda waxbarashadda, caafimaadka iyo ururadda bulshadda rayidka ah.

Geestiisa  wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta  oo la hadlay masuuliyiintii gobolka ee waxbarashada, caafimaadka iyo ururada kale ee bulshada ayaa u ballan qaaday in xukuumada cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi   wax ka qabanayso  adeegyada bulshada, kuwaasoo qayb ka ahaa  ballan qaadyadii madaxweynaha ee xiligii uu ku jiray ololihii doorashadii madaxtooyadda.

Dhinaca kale safarka wasiirka ayaa  la xidhiidha mid ku salaysan soo qiimaynta   baahiyaha adeegyada bulsho iyo maamul daadejinta  gobolka Buuhoodle.  Waxaana la filayaa in uu maalmaha soo socda kormeer ugu baxo degmooyinka, magaalooyinka iyo dhulka baadiyaha ah ee ka tirsan Buuhoodle.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.