Thursday, May 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Biyaha Oo Cadeeyay In La Lunsaday Mashruucii Biyo Balaadhin Caasimadda

Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa markii u horaysay  daboolka  ka qaaday in aanay jirin wax biyo balaadhin ah  oo la soo gelin karro caasimadda dalka ee Hargaysa.

download

Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu sheegay in la siyaasadeeyay  dhulkii biyaha looga soo saari ahaa caasimadda Hargaysa, isla markaana  ay ka xukuumad ahaan u qorshaysan tahay sidii si degdeg ah arrintaasi wax looga qaban lahaa.

Waxaanu hadalka wasiirku  meesha ka saarayaa mashruuc muddo badan shacabka caasimadda lagu mashquulinayay oo loogu maagac daray biyo balaadhinta caasimadda, isla markaana  shacabka lagu beer laxawsan jiray in uu dhamaad yahay.

Iyadoo ay bulshadda ku dhaqan caasimadda Hargaysa oo tirro ahaan lagu qiyaaso milyan iyo dheeraad 40% keliya ay helaan biyo, halka gebi ahaanba inta badan degmooyinka iyo xaafadaha Hargaysa ay biyo la’aani haysato.

Hadalkan wasiirka ayaa u muuqda mid bulshadda caasimadda ka nixiyay  oo meesha ka saaray  rejadii ay qabeen ee mashruuca Xunbo-weyne, kaasoo uu ku tilmaamay in aan  goobtaasi wax biyo ah laga filan Karin.

Wasiir Koore, oo maanta warbixin ka siinayay   guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda oo uu hor tegay, ayaa  sidoo kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay  qorshaha wasaaradda ee la xidhiidha fidinta biyaha dalkoo dhan.

Halkan Ka Daawo Hadalka Wasiirka:

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.