Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maxaabiis Al-Shabaab Ah Oo Ka Baxsaday Xabsi Ku Yaalla Garoowe

Published on February 27, 2018 by   ·   No Comments

Garoowe (SDWO): Dhalinyaro lagu qabtay dagaalo ay ciidammada Puntland la galeen xooggaga Alshabaab oo sanadkii 2016-kii duulaan ku qaaday deegaano halkaas ku yaala ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen xarun lagu hayay oo magaaladda Garowe ku taala.

_100197146_maxaabiis

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa  BBC   u xaqiijiyay in 10 ka mid ah dhalinyaradaas oo 40 dhanaa ay baxsadeen, balse dib loo qabtay 3 ka mid ah , kuwaasoo midkood laga qabtay dhulka miyiga ah.

Lama oga qaabka ay u baxsadeen, laakiin waxaa la sheegay in la xidhxidhay askartii waardiyaha  ku jirtay markii ay dadka baxsanayeen qaarkood.

Ku dhawaad 40 dhalinyaro oo lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Suuj, Garmaal iyo Garacad ayaa lagu hayaa gudaha magaalada Garoowe, kuwaasoo la sheegay inaysan gaarin da’da maxkamadaynta.

Waxaana  gacanta ku haya maamulka  Puntland shakhsiyaad ay u xil-saartay oo taageero dhaqaale ka hela Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli siyaasiyiin qaybtood loo saadaalinayo inay u sharaxan yihiin madaxtinimada Puntland ay maamulka  ku eedeeyeen habacsanaan dhinaca amniga ah.

Geesta kale xarunta lagu hayo dhalinyaradan ayaa ah mid si gaar ah loo leeyahay, isla markaasna kaalmo iyo maalgelin ka heshay qaar ka mid ah hay’adaha samofalka.

Waxaase  xarunta waardiyeeya ciidammada  maamulka Puntland, hase yeeshee si cad looma oga siday dhalinyaradan ugu suurto gashay in ay baxsadaan.

U jeedadda ayaa ahayd   in maadaamaa dhalinyaradaasi  ay ka yar yihiin da’dii qaangaadhnimada in dhaqan celin loogu sameeyo xarunta, laguna baro xirfado ay ku maareyn karaan noloshooda markay bulshada ku dhex laabtaan.

Waxaa la garwaaqsaday in qaar badan oo ka mid ah la soo duufsaday, sidaasi darteed-na aanan la marin karin xeerka ciqaabta.

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.