Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Agaasimaha Cusub Ee TV-ga Qaran Oo Xilka Kala Wareegay Maareeyihii Hore

Published on February 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland  Maxamed Muuse Abees ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyay agaasimaha cusub ee TV-ga qaranka Muuse  Faarax Jaambiir  iyo maareeyihii hore ee telefishankaasi Khadar Maxamed Cakule.

download (3)

Munaasibadda xil wareejinta oo ka qabsoontay  hoolka  tiyaatarka ee xarunta wasaaradda warfaafinta waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Xasan Cumar Hoorri, wasiir ku xigeenka, agaasime waaxeedyadda wasaaradda shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa xafladaasi qaar ka mid ah faaniinta iyo abwaaniinta ugu caansan guud ahaanba geyiga Soomaalidu degto oo uu ka mid ahaa abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Cabdi Qays, fanaanadda Khadra Daahir, agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Maxamed Muuse Abees,  oo hadal  ka jeediyay  ayaa sheegay  in markii isaga iyo wasiirka loo soo magacaabay wasaaradda ay isku deyeen sidii ay is-bedel muuqda ugu samayn lahaayeen.

Waxa kaloo uu wasiirku ka sheekeeyay  sababta keentay in is-bedelkii u horeeyay ee ay sameeyeen uu keenay in shaqaale badan ay ka soo hor jeedsadaan, ee hadana ay amarka ganaaxa ah weriyeyaashaasi ugu rideen.

Daawo Hadalka Wasiir Maxamed Abees:

 

 

Geesta kale agaasimaha cusub ee telefishanka qaranka Muuse Faarax Jaambiir, oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadii uu xilka kula wareegay ayaa tilmaamay siday uga go’an tahay in uu horumariyo shaqadda.

Dhinaca kale maareeyihii hore ee TV-ga qaranka Somaliland Khadar Maxamed Cakule, ayaa isna xafladaasi waxa uu faahfaahin kaga bixiyay  hawlihii shaqo ee ugu muhiimsanaa ee ay soo qabteen mudadii uu xilka hayay.

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.