Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Ka Hadashay Tallaabadii Ay Jabuuti Kaga Noqotay Heshiiskii Ay Kula Jirtay DP World

Published on February 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay tallaabadii ay dhawaan dawladda jamhuuriyadda Jabuuti ay kaga noqotay heshiiskii ay kula jirtay shirkadda imaaraadka carabta ee DP World, isla markaana ay dalkeedda kaga eriday shirkadaasi.

download

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti C/fataax Siciid Axmed, oo maanta soo gaadhay magaaladda Hargaysa, kana soo kicitimay dalka Jbauuti oo Horn Cable TV wax ka waydiiyay  arrintaasi iyo saamayn ay ku yeelan karto Somaliland.

Maadaama oo shirkadda DP World ay hadda maamusho dekadda Berbera, isla markaana heshiis ah in ay dekadda gacanta ku hayso muddo 30 sanadood ah kula jirta dawladda Somaliland.

Waxaanu sheegay danjire C/fataax in arrintaasi ay tahay mid u dhaxaysa Jabuuti iyo DP World, balse aanay wax saamayn ah ama dhibaato ah ku keeni Karin heshiiska Somaliland iyo DP World.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.