Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

UCID iyo Waddani Oo Arrin Lala Yaabay Isku Raacay

Published on February 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Labadda xisbi mucaarad ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa shaaciyay in ay magacaabayaan guddi wada jir ah oo daba-gal ku samaysa musuq maasuq ay sheegeen in ay ku kaceen maayaradda magaalooyinka dalka qaarkood.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadda jira u qabteen guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ay wehelinayeen masuuliyiin xisbigiisa ka tirsan iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro iyo xubno xisbigiisa ah, ayay arrintaasi kaga hadleen.

Waxaanay sheegeen in musuq maasuq baahsan uu ka dhex jiro dawladaha hoose ee dalka, isla markaana ay baadhitaan madax banaan ku samaynayaan, inkastoo sharciyan aanay cadaynin qodobadda dastuurika ee u ogolaanay in ay guddidan sameeyaan.

Halkan Ka Daawo Hadaladoodii:

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.