Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Oo Sheegay In Uu Kordhay Dakhliga Ay Soo Saareen

Published on February 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa    (SWO): Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa sheegtay in uu kordhay  sanadkan  dakhliga cashuuraha bariga, isla markaana ay rejaynayaan in uu sii kordho.

Agaasimaha waaxda cashuuraha bariga ee wasaarada maaliyadda  Maxamed  Xasan   Saleebaan  iyo agaasime ku xigeenka waaxda cashuuraha bariga   Axmed   Maxamed  Muxumed,   oo maanta  warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arrintaasi.

Waxaanay  ka warameen  habka cashuur ururinta iyo kormeereyaal cusub oo loogu talo galay in ay soo kormeeraan ganacsatada goobaha dakhliga cashuuraha bariga.

Maxamed  Xasan Saleebaan agaasimaha waaxda cashuuraha bariga   waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay, isagoo tilmaamay in ay hirgeliyeen nidaamkii cashuuraha bariga.

Waxaanu  yidhi “Waxyaabaha noo qabsoomay waxaa ka mid ah hirgelinta   nidaamkii cashuuraha bariga iyo qaabka loola macaamilayo dadka cashuuraha bixinaya  iyo abuurista kooxo kormeera.  Waxa  kaloo aanu kor u qaadnay cashuuro  la bixin jirin  oo hooseeyay oo  heerka cashuur bixinta ka hooseeyay,  sida cashuurta shaqaalaha  cashuurta kabista iyo   cashuurta daaraha.

Waxa  kaloo jirta dakhiliga  cashuuraha berriga   marka aynu u eegno sanadkii hore  waxa uu kordhay boqol kiiba shan iyo toban 15% marka loo eego sanadkii hore.

Waana  bilaw waxaananu rejaynaynaa in bil walba uu sii kordhi doono dakhliga naga soo gala cashuuraha bariga”.

Sidoo kale agaasime ku xigeenka waaxda cashuuraha berriga Axmed  Maxamed Muxumed,  ayaa isna  waxa uu sheegay in cashuurtii ku waajibtay qof kastoo reer Somaliland oo  dakhli soo gallo in uu iska bixiyo.

“Qof kastoo reer Somaliland oo dakhli soo galo si kasta ha ku soo gasho cashuur  ayaa ku waajibaysa ama mid ganacsi ayaa ku waajibaysa ama mid shaqaale ayaa ku waajibaysa, ama kala wareejin ayaa ku waajibaysa.

Mar  haddii ay wax soo galaan  cashuur ayaa ku waajibaysa” ayuu yidhi Axmed Maxamed Muxumed.

 

SDWO/Hargeisa Offie

 
,, ,,,.