Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Beeraha iyo Masuuliyiin Ka Socday Baanka KFW Ee Jarmalka Oo Kormeeray Bilawga Mashruuca Biji

Published on February 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland iyo masuuliyiin ka socday hay’adda KFW  oo laga leeyahay dalka Jarmalka  ayaa maanta  kor meer indho indhayn ah ku soo maray  mashruuc ciidd iyo biyaha lagu xidhayo oo ka socda degaanka Biji ee gobolka Gabiley.

19905440_2096214520395080_3781618402280230290_n 28276674_2096214753728390_2211640121250308908_n

Wefti uu hoggaaminayay  wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland   Axmed Muumin Seed  waxaa  ku weheliyay  agaasimaha guud ee wasaaradaasi  Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), xubno  ka socday  agaasime waaxeedya wasaaradda.

Sidoo kale waxaa wasiirka wehelinayay  masuuliyiin ka socday  Baanka horumarinta Jarmalka ee KFW iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi (Cali Case), waxaanay soo  kormeereen bilawga Mashruuca ciidda iyo biyo qabatinka ee Biji.

28378329_2096215257061673_7954891700053760594_n 28378475_2096215163728349_3145230228379904864_n

Mashruucan oo uu maalgalinayo baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW  waxa uu ka bilaabmay degaano ka mid ah gobolka Gabiley gaar ahaana meesha loo yaqaano Biji.

Degaanka Geed Abeera oo mashruucan ka bilaabmay ayaa masuuliyiinta soo kormeereen, iyadoo ay halkaasi ka jeediyeen Khudbado la xidhiidha ujeedada iyo waxa mustaqbalka laga rajaynayo mashruucan.

Wasiirka oo   hadal ka jeediyey goobtaasi  waxa uu tilmaamay inay rejaynayaan in wax ka qabashada beerahani ay ka qayb qaadato kobcinta wax soo saarka dalka, isagoo dadka degaanka kula dar daaramay inuu tusaale fiican u noqdo mashruucani.

Waxaanu  yidhi “Mashruuca maanta halkan ka bilaabmayaa waa mashrucii ay inaga caawisay dawladda Jarmalku oo ay maanta   weftigan ka socda Bangiga horumarinta Jarmalka ee KFW inagala socdaan oo bilawgiisii maanta  inoo bilaamyo oo ka wasaarad ahaan anaga iyo agaasimihii aanu u wada dhanahay iyo maamulkii gobolkuba oo aanu doonayno inuu maanta furmo”.

28660493_2096214037061795_3649900463301027116_n28467898_2096214977061701_5746156862645751826_n

Axmed Muumin Seed, ayaa sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay qaybaha uu mashruucaasi ka kooban yahay iyo degaamadda laga fulinayo. Waxaanu yidhi “Mashruucaasi waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood oo ay  kow ka yahay in biyaha la joojiyo, waxa ku xiga in la xidho gabyanka, waxa la qodi doonaa dhaamam oo dhibaatooyinka maanta dalkeena haystaa waa laba arimood waa biyihii oo socda oo badda inaga galaya iyo nabaad guur xaga ciida inagaga socda.

Markaa  labada inoogu daran waa labadaasi, markaa ka wasaarad ahaan labadaasi ayaanu awood badan saarnay oo halkan aynu hadda joognaa waa Geed-abeera oo waa halka uu ka bilaabmayo mashruucu oo dusha sare halkaa aynu taaganahay oo deegaanada mashruucan ka fulayo waa Lafta-boqor, Taysa iyo Geed-abeera, intaasi ayuu mashruucu ka fulayaa.

Waana  inta aanu rabno in dadkeena deegaanku ay ka faa’iidaystaan, waxaananu ugu talo galnay in uu tacabkaasi dhulkeena galo si wax soo saarkeenu uu horumar u gaadho”.

Geesta kale wasiirka ayaa uga mahad celiyay dawladda Jarmalka gaar ahaana baanka KFW oo mashruucaasi fulinaya, isagoo xusay in haddii mashruucaasi uu guulaysto la kordhin doono, isla markaana ay ka wasaarad ahaan kor meer joogto ah ku samayn doonaan sidii mashruucaasi u hirgeli lahaa.

“Waxa aanu dawladda Jarmalka uga mahadcelinaynaa in ay maanta halkaasi soo gaadheen oo ay goob joog u yihin shaqadii oo bilaabmaysa iyo inaga oo goobtii joog-na,  oo aynu ka wasaarad ahaan u dhanahay, mashruucana haddii aynu ku guulaysano waa la inoo kordhin doonaa anagu-na (wasaaradda) waanu ka war hayn doonaa siday hawluhu  u socdaan” ayuu yidhi wasiirka beeraha Somaliland.

Dhinaca kale badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi (Cali Case) oo isna  madaashaasi ka hadlay  waxa uu soo dhaweeyey mashruucaasi  oo ku tilmaamay inuu ka qayb qaadanayo kobcinta wax soo saarka dalka.

Mrs Katrina oo ah maamulaha mashruucan uu maalgalinayo Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW, kana socotay Baankaasi ayaa  sheegtay inay u mahadnaqayaan  wasaaradda beeraha, isla markaana ku faraxsan tahay  inay aragto shaqadii oo bilaabantay.

19905440_2096214520395080_3781618402280230290_n 28276674_2096214753728390_2211640121250308908_n 28276700_2096214330395099_5552752326400945963_n 28276731_2096214460395086_1273997309293239180_n 28279059_2096214683728397_6333904334867491717_n 28279521_2096214973728368_5568955590596974689_n 28280063_2096215420394990_3991717971284143099_n 28377665_2096214400395092_1522265908945575412_n 28378277_2096214033728462_4734780493071954634_n 28378329_2096215257061673_7954891700053760594_n 28378475_2096215163728349_3145230228379904864_n 28467898_2096214977061701_5746156862645751826_n 28468192_2096214557061743_5802081984839418879_n 28471255_2096214963728369_2867912413741928625_n 28471434_2096214783728387_2842531622869859090_n 28660493_2096214037061795_3649900463301027116_n

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.