Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiyaha Baashe Oo Baaq U Diray Beelaha Shaqaaqadu Ku Dhexmartay Degaan Ka Tirsan Buuhoodle

Published on March 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ugu baaqay in ay colaadda joojiyaan beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu dhex martay  degaanka aaga Buuhoodle Gucundhaale iyo Horufadhi.

download (2)

Waxaanu sheegay in colaada u dhaxaysa labadan beelood aanay jirin sabab ay u sii socoto ama u dhacdo, isla markaana labadaas beelood ay yihiin dad ehel ah oo kii wax dila iyo midka la dilaaba ay isku dad uun yihiin.

Geesta kale Baashe Maxamed Faarax, ayaa ugu baaqay dadyow uu sheegay in ay iyagu colaadaas hurinayaan in ay joojiyaan kana tanaasulaan dhibka ay u gaysanayaan dadka walaalaha ah.

Waxaanu ka codsaday odayaasha iyo garradaadda in ay ku dedaalaan sidii ay ugu kala gurman lahaayeen dadka ehelka ah ee colaadu u dhaxayso, isla markaana loo taliyo dadka nool.

 

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.