Thursday, December 13th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maxaa Kaaga Baxay ? Barkhad-Ladiif M. Cumar

Published on March 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Itoobiya marka aad xadkeedda taagan tahay ayaad dareemaysa dawladnimo, dawladda iyo shacab baa la kala yahay, mid waliba shaqadiisa wuu garanayaa, qof waliba sharciga wuu u hogaansan yahay, qof kastana sharciga ka sareeya.

28872156_2074577229224353_7648484294807573981_n

Magaalada Jig-jiga marka dhex joogto habeenkii tobankii talaababa inan yar oo 15 jir ah ayaa ku baadhaya oo amarkiisa u dhego nug la’aanaysaa, Soco waa soco, joog waa joog, inanka yar ma sito qori iyo baastoolad hadana amawiirtiisa ayaad ku shaqaynaysaa, ma jirta hadal iyo muran dhex maraya askariga iyo shacabka, mar walbana askariga saxsan xiitaa hadii uu gardaran yahay askariga kaa mudan lana tixgalinayaa, waxa uu doonno kaa yeelaya adiguna waa inaad dhaqaaqda oo dhabarka sii jeedisaa hadii kale wixii kugu dhaca adiga ka masuul ah.

Itoobiya haddii wakhtigi dhergiga Musuqmaasuqa iyo dadka Tuugta ah jirijireen hadda waa la soo afjaray, laaluushku waa shan sanno oo xadhig ah ka qaata iyo ka bixiya, Tuugana barta lagu qabta lagu tooganaya, waa dad kala baqaya oo dawladnimada u hogaansan.

Bal aan tusaale usoo qaato Toban sanno ka hor markii ugu horeysay safarkii aan ku tagay Itoobiya.

Wakhti aan sidaas u sii fogeyn ayaa aniga iyo nin aanu saaxiibnahay hawlo u tagnay dalka itoobiya, gaar ahaan magaaladda Jig-jiga, waxay ahayd waagaasi wakhtigii noogu horeysay Jig-jiga, haseyeeshee marka uu qofku meel aanu aqoon tagayo wuu xog doontaa, waxaana soo urursanay hab dhaqanka iyo nidaamka ka jira meesha.

Magalada Kala-Baydh waxaanu ka raacnay gaadiidka Itoobiyaanka ee Jaadka keenna, waxaana na saaray oo nagu balamiyey nin aanu saaxiib ahayn oo kastamka kala Baydh ka shaqayn jirey, waxaana u raacnay gaadhigaasi si aan dhexda la nagu baadhbaadhin ama lanagu joojin si fudud aanu u galno Jig-jiga maadaama oo aad la isku baadh baadho sharciga gali taankuna adag yaahy, wallow aanu sidanay Mustaqaha Itoobiyaanka oo aanu ahayn rag sita sharciga lagu dhex maro Itoobiya hadana cabsi way na haysay.

Haseyeeshee gaadhigii aanu raacnay ee itoobiyaanku nama jeclaysan in aanu raacno, laakiin wuxuu tixgaliyey uun wiilka na saaray, waxaanu Dirawalka oo Xabashi ahaa wuxuu u haystay in aanan sharci aanu ku galno itoobiya haysan oo sababta na loo soo saaray gaadhiga ay tahay in kaantarooladda uu na dhaafiyo, anaguna umaanu sheegin in aanu Mustaqo sidano.

Markii aanu Wajaale dhaafnay ee Jig jiga iyo Wajaale dhexdiisa inta uu dirawalkii degay buu dhegta u saaray qoladii kaantaroolka joogay inay gaadhiga saaran yihiin rag aan sharci ay ku galaan haysan, ka dibna markiiba askari baa noo yimid oo soo dega yidhi alaabtayadiina waa la soo dajiyey gaadhigii wuu iska tagay.

Markii uu gaadhigii dhaqaaaqayey ayaanu askartii na haysatay waydiinay sababta la noo soo dajiyey, waxa na la waydiyey sharcigii aad ku galayseen keena, waxaanu markiiba soo saarnay mustawiqii, inta uu eegay buu jeebka iskaga riday, markii aanu waydiinay sababta uu u haysto sharcigayaga wuxuu na waydiiyey su’aalo ku saabsan cida maamusho magaaladda aanu Mustawaqaha ka qaadanay, anaguna waanu xifidsanayn oo hore u sii garanayn in la waydiin doonno, markiiba waanu u sheegnay, haseyeshee nagama ogolaan, waxa uu nagu yidhi “Mustawuquhu wuu cusub yahay oo imikaad soo samaysateen”.

Inkastoo safarkayagii kowaad uu yahay laakin xog badan baan meesha ka haysta waxaana ku doodayey inaan Itoobiyaan ahay oo Hargeysa soo yara booqday, haseyeeshee saaxiibkay oo ila socday isagu aad buu u baqanayey waana markii ugu horeysay ee uu Hargeysa ka soo baxo, Itoobiyaana wax dadka cunuu u haystay, anna dardaaranka haysta ayaa I sii dhiirigalinayey oo waxa la igu yidhi hadii aad bakhbakhato si fudud baa lagu xidhaya ama lagu soo celinaya, sidaas darteed waa inaad noqota muwaadin la mid ah askarigan ku baadhaya oo aanad marti iska dhigin.

Sodan daqiiqo ka dib sidaanu isku daba meeraysanayney ayuu askari soomaali ah oo meesha joogay hoos ila hadlay oo uu yidhi “waar hadii aad doonaysaan inaad dhaaftaan woxooga lacag ah iska bixiya waa la idin sii deyn’.”

Haseyeeshee dardaaranka haysta ayaa ahaa hadii aad lacag bixisid inta aad haysato lagula qaybsanayaa, hadii aad toos u bixisid waa xadhig oo laaluushka ka bixiya iyo ka qaataba Itoobiya waa shan sanno oo xadhig ah, laakiin si hoose ayaa wax la iskugu dhiibayaa oo gacanta la iskugu laabayaa.

Askarigaasi waan ka diiday in aan wax bixiyo waxaana ku dooday in aan ahay muwaadin Itoobiyaan ah oo wadankiisa joogo sabab sharcigiisa looga qaadaana aanay jirin, inkastoo saaxiibkey oo ila socda hadalo is waydaarsan uu ku hadlayo oo uu marna leeyahay habaryartay oo xanuunsanaysa jig jiga ugu tagayna ee na sii daaya, marna uu leeyahay muwaadin, taas oo ah laba aan Is qabanayn, laakin saaxiibkey waxaan u sheegay in aanu isagu hadalba madaama oo uu naxsan yahay ee uu aniga uu I garab taagnaado si aan indhaha ugu cadeeyo oo aan ugu doodo in aan muwaadin .

Wax yar ka dib waxa soo istaagay Bas rakaab ah dadkii oo dhan waa laga soo dajiyey, laba hablood oo islaani waday baa sharci la’aan ku dhacday oo aan haysan wax sharci ah tii Somaliland iyo Itoobiya, laakiin waxay haystaan waraaqo caafimaad.

Markiiba waxa maskaxdayda ku soo dhacday waxaad wax la qabta hablahaasi waayo waxaan ogahay in hablahaasi lacag laga qaadayo oo ay islaan xariifada u doodaysay oo jid mareen ah, habluhu way taag taagan yihiin, taliyaha kaantaroolka haysta waa Soomaali wuu is xariifinayaa, dadkii kale ee sharciga haystay fuulo ayuu yidhi hablihiina dib baanu u celinaya ayuu yidhi, haseyeeshee islaantu baa kolba dhinac ula kacaysa, anigu kolba dhinaca loola kaco ayaan taliyaha u raacaya si aan u eego waxay u laabayso, waayo waan dareensahay inuu wax qaadanayo laakiin farsamo qarsoodi ah ayuu ku qaadanaya, intaas wuu qaylinaya oo uu hanjabaya, markii uu lacagtii qaadan kari waayey oo kolba islaantii dhinac ula kacayso iyadoo doonaysa inay si hoose wax ugu dhiibto aniguna ka hadhi waayey ayuu inta uu jeebka sare ee shaadhka inta uu gacanta galiyey labayadii mustaqe ka soo saaray oo uu nagu soo tuurey si aan uga hadhno oo islaanta lacagta yar uga qaato, aniga iyo saaxiibkey inta shandayadii aanu sidanay Baskii meesha taagna ee habluhu la socdeen si dhakhso ah ugu tuurnay ayaanu soo fuulnay ilayn Buska wuu buuxaye’e waanu istaagnay oo meesha Girishboygu istaago istaagnay illaa Jig-jiga, Hablihiina wax yar ka dib waa la fasaxay way soo raaceen, marka duleedka Jig jiga joogna hadana dadkii oo dhan la wada dajiyey, qofkii sharci haysta uun baa fuulayey baska, mar kale hablihii waa la reebay, sidii buu baskii ku soo dhaqaaqay, waxaana Jig jiga soo galnay bacdo makhrib wakhti habeen ah.

Galitaankii Jig jiga-

Goobtii gaadiidku istaago markii aanu nimid ee gaadhigii ka soo degnay waxa shandadii aanu siday noo soo dajiyey nin xaga sare fuushan mid dhulka joogay oo aan ka furfuri kari waynay wuu dajiyey, inkastoo isku qabsanay inay faraha saaraan Shandada sidanay hadana nooma joojin ee way nala dajiyeen, markii aanu dhaqaaqnay lacagii soo dejinta keena ayey nagu yidhaahdeen, woxooga markii aanu is qabqabsanay yaa idiin dirisaday, dadkii meesha joogay baa yidhi waa shaqadoodiiye siiya, sidii baan shaahoogii ku siinay.

Markii aanu soo dhaqaaqnay ayaanu inamo aanu ag maraynay waydiinay hoteelka nooogu dhow inuu noo tilmaamaan, rag wanaagsan oo alla dartii noogu shaqaynayey ayaanu moodaynay way na horgaleen oo hoteelkii bay na geeyeen illaa qolkii aanu kiraysanaynay ayey na geeyeen, ka dibna waxay yidhaahdeen lacagtii aanu idin ku keenay na sii, dee ma gaadhi baad tihiin oo waad na soo qaadeen maxaan idin siinay, waar tilmaamtu waa lacag ee keen shaahayagii.

Kadib-na waanu ku qasbanaanay inaanu shaahoogii siino markii la noo sheegay in tilmaamtu shaqo tahay marka Jig jiga la joogo, iyagana shaahoogii baanu iska siinay anagoo diidan inaanu la murano waayo meesha waanu ku cusub nahay.

Sheekadan waxaan uga sheekaynayaaa laba arrimood, midi waa laaluushka halka ay ka taagan yihiin iyo Tuugadda halka ay ka taagan yihiin, laaluushka si cad hadii aad u bixiso ama markhaatii u keento ka qaatay iyo ka bixiyey waa shan sanno oo xadhig ah, taasina waa ta keentay in musuqmaasuqu yaraado, ta labaad waa Tuugada, Itoobiya wakhtigii dhergiga tuugu inta uu ku xaday ayaa la odhan jirey dalkiisu jooga, maanta hadii tuug ku xado bart uu taagan yahay baa lagu tooganaya.

Hadaba si aad su’aashan maxaa kaaga baxay sheekadan , waxa sheekadan ku jira qodobo muhiim ah oo dawladnimada iyo muwaadnimadaba u fiican ee maxa adigana kaaga baxay ???????

 

28872156_2074577229224353_7648484294807573981_n

By: Weriye Barkhadladif Maxamuud Cumar

Hargaysa/Somaliland

 
,, ,,,.