Sunday, June 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Ay Hakisay Wadahadalkii Soomaaliya U Dhexeeyay

Published on March 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay hakisay wadahadaladii la filayay in ay dhawaan u furmaan dawladda federaalka Soomaaliya, kadib markii maamulka Xamar ka hor yimid heshiiska maalgashi ee  Somaliland la gashay imaaraadka carabta.

download

Wasiirka arrimaha dibadda jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre,  ayaa shaaca ka qaaday in muddo bil ah ay hakiyeen wadahadalkii u qorshaysnaa in dabayaaqadda bishan uu dhex marro Somaliland iyo maamulka Muqdisho.

Waxaanu wasiirka sheegay in ay ururka jaamacadda Carabta u gudbiyeen dacwad ku saabsan sida dawladda Soomaaliya u diidan tahay heshiiska horumarineed ee dekadda Berbera iyo sidaanay jirin sabab ay arrintaasi uga hadasho.

Dr. Sacad Cali Shirre,  oo warbaahinta la hadlay kadib kulan xog waraysiya oo ay maanta la yeesheen gudiga arrimaha dibadda ee golaha Wakiiladda, waxa uu tilmaamay in aanay gebi ahaanba ka noqonin ama qaadicin wadahadalka.

Hase yeeshee maadaama oo xiligan ay xaalad siyaasadeed oo cakiran ka dhalatay cadhadda ay Soomaaliya ku abuurtay arrinta heshiiska horumarinta dekadda Berbera darteed ay go’aansadeen in wadahadalka la hakiyo.

Daawo Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal arrintaasi laga waydiiyay:

Sidoo kale wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la yeesheen gudiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda iyo arrimihii ay wax ka waydiiyeen iyo sidoo kale dacwad uu sheegay in ay u gudbiyeen ururka jaamcadda carabta oo la xidhiidha dhawaaqa Soomaaliya.

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.