Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“UN-ka, UAE iyo Xamar ha ogaadaan in talladda u danbaysa ee dalkan anagu gacanta ku hayno oo aanu go’aankiisa leenahay”…Faysal Cali Waraabe

Published on March 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Somaliland ee UCID ayaa mid aan wax micno ah  samaynin ku tilmaamay qoraal dacwad ah oo la sheegay in dawladda Soomaaliya u gudbisay jaamacadda Carabta.

download (2)

Eng. Faysal Cali Waraabe,  waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Xamar oo dacwadda cabashadda ah u gudbiyay shirkii wadamadda ku bahoobay jaamacadda carabta in laga diiday cabashadiisa, isla markaana laga saaray ajandaha shirka oo uu doonayay in lagu darro.

Hadalkan guddoomiyaha UCID ayaa jawaab u ah waraaq dacwad ah oo la sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya  u gudbisay ururka jaamacadda carabta, taasoo ku aadan heshiiska horumarineed ee ay wada galeen Somaliland, DP World  iyo Itoobiya.

Waxaanu  tilmaamay Faysal dacwada cabashadda ah ee ay dawladda Muqdisho u gudbisay ururka jaamacadda carabta aanu waxba ka bedeli Karin heshiiska horumarineed ee dekadda Berbera, isla markaana tallaabadaasi ay muujinayso in Somaliland aanay u talinin jaamacadda carabta, qaramadda midoobay ama dawladda maqaarsaarka ah ee Xamar.

“Waa guul, waana wax lagu farxo. Markii u horaysayba waa laga saaray ajandihii shirka arrinta heshiiska dekadda Berbera.  Halkaana yarkii reer Garoowe ee la yidhi waxaad tahay wasiirka arrimaha dibadda waxaa ka raacday fadeexad,  shirkaba waa laga saari gaadhay. Malaha wuxuu moodayay in meeshu Xamar tahay.

Waxan la soo saaray-na, waa wixii iska caadiga ahaan jiray ee UN-ka, ee laga soo saari jiray Suuriya iyo Israa’iil. Jaamacadda carabtu inta qaraar ee ay ka soo saaartay arrimaha Suuriya, way badan yihiin. Wac micno ah ma leh arrintaasi”ayuu yidhi guddoomiyaha UCID oo maanta magaaladda Hargaysa kula hadlayay magaaladda Hargaysa.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Ha ogaadeen in talladda u danbaysa ee dalkan Somaliland aanu anagu gacanta ku hayno, jaamacadda carabtu-na aanay ku haynin, UN-kuna aanay ku haynin, Xamar-na aanay ku haynin, ee aanu anagu go’aankiisa leenahay”.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID  ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay qaabka uu dhacay heshiiska saami-qaybsiga dhismaha iyo casriyaynta dekadda Berbera ee saddex geesoodka ah, isagoona si cad u sharaxay sida uu ku yimid saamiga ah 19% ee ay Itoobiya ka heshay.

Waxaanu yidhi “Heshiiska waxaa ku yaalay, wadan kastaaba saamiga uu ku leeyahay wuu iibin karaa, haddii ay qoladda kale ee heshiiska kula jirtaa ogolaato. Markaa Somaliland 5% ka mid ah saamigeedda ayay ka iibisay Itoobiya, DP World-na 14% ayay saamigeedda ka iibisay Itoobiya, sidaas ayaanay Itoobiya  ku heshay  19%.

Itoobiya-na  waxay bixinayaan lacagtii  440-ka milyan ahayd, 19% ka mid  ayay kaga qayb qaadanayaan dhismaha dekadda, iyadoo bixinaysa Itoobiya 80 milyan oo dollar. Markaa dekadda waynu wada samaysanaynaa, intana waa maamulkeedii”.

“Dhulka inaga ayaa leh, laakiin maamulka dekadda la dhisayo, ayaa laga yaabaa in qolo kale laga sii iibiyo, oo dekadda Berbera ay noqoto mid shirkaddo kala gedisan ay maamulayaan, oo danno badan ay ku yeelanayaan, oo horumar balaadhan keenaysa” ayuu yidhi Eng. Faysal.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.