Thursday, December 13th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Tallaalka Jadeecada Oo Bilaabmay

Published on March 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay tallaalka cudurka Jadeecada oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

2 1111 28872765_1583489485098232_7139530952253898752_n 28951178_1583489778431536_3780422242479898624_n 28951313_1583487331765114_6047708187816099840_n 28951911_1583488005098380_7421524460366200832_n 28958431_1583489375098243_3854034855197147136_n 28958608_1583488015098379_8449225119716343808_n

Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu hormood u yahay wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka.

28951313_1583487331765114_6047708187816099840_n

Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo masuuliyiin ka socotay hay’adaha qaramada midoobay ee caafimaadka iyo daryeelka Ubadka ku hawlan, ayuu madaxweynuhu dhibicdii ugu horraysay ee tallaal ah ku siiyey Ilmihii ugu horreeyey ee lagu ibo-furo hawsha tallaalka cudurka Jadeecada oo ka bilaabantay guud ahaanba dalka Somaliland.

Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn ku bogaadiyey wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee la shaqeeyaba, waxaana uu guud ahaanba waalidiinta ubadka dhalay iyo kuwa masuuliyadda hayaba ku dhiirrigeliyey in ubadka ay gacanta ku hayaan ay ka tallaalaan cudurka Jadeecada, isla markaana ay gacan siiyaan bahda caafimaadka ee hawshan qaran ku hawlan.

28958924_1583488741764973_3537147598253064192_n

Waxaanu  yidhi “Maanta waxa nasiib-waag ah in carruurtii Somaliland laga tallaalayo cudurka Jadeecada, guud ahaan dalka oo dhan, wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee ka kaaliyeyna aad baan ugu mahadnaqayaa.

Dadweynaha-na waxaanu ku dhiirrinaynaa inay carruurta xarumaha caafimaadka keenaan, gaar ahaan dadka reer miyiga ah, ama meelaha fog-fog jooga, waxa aanu u sheegaynaa in caafimaadka carruurtu wax walba ka qaalisan yahay.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in tallaalka Ubadku tahay xil guud oo saaran dhammaanba bulshada reer Somaliland, inta masuuliyadda haysa, culimo-awdiinta iyo madax-dhaqameedkaba.

“Ilmaha yar ee dhashay, Afar jirka ah ama Sagaal jirka ah in caafimaadkiisa la ilaaliyo xil baa inaga wada saaran, kuwa waalidka leh, kuwa aan waalidka lahaynna cidda ehelkooda ah, masuuliyiinta gobollada jooga ee dawladda, culimada iyo madax-dhaqameedkaba dhammaan waa in la dhiirrigeliyo in carruurta laga tallaalo cudurka Jadeecada oo halis ah” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

MBC

Madaxweynaha  Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada u sharraxay dhibaatooyinka uu cudurka Jadeecadu ubadka u keeno iyo sida ay muhiimka u tahay in tallaal lagaga hor tagaa.

Isagoo  arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Magaalada waxad ku aragtaan carruur badan oo indho la’ waxaana laga yaabaa intooda badani Inay Jadeecada ku Indho beeleen, xummaddeeda iyo dhibteeda, sidaas darteed waxaan ku dhiirrigelinayaa in tallaalkaas loo dedaalo oo carruurta la tallaalo.”

Ugu dambayntii, wasiirka horumarinta wasaaradda Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey taageerada iyo dhiirrigelinta uu la garab taagan yahay tallaalka cudurka Jadeecada iyo sida uu heeganka ugu jiro in wada-jir loogaga hortago cudurrada faafa ee carruurta asiiba.

2 1111 28872765_1583489485098232_7139530952253898752_n 28951178_1583489778431536_3780422242479898624_n 28951313_1583487331765114_6047708187816099840_n 28951911_1583488005098380_7421524460366200832_n 28958431_1583489375098243_3854034855197147136_n 28958608_1583488015098379_8449225119716343808_n 28958668_1583489498431564_5347458802935398400_n 28958924_1583488741764973_3537147598253064192_n 28959343_1583489758431538_3272294935251910656_n 29025366_1583487961765051_7244342748575170560_n 29025655_1583489088431605_2442509968084041728_n 29026298_1583488731764974_2263825872437903360_n 29027357_1583487358431778_4995850467729735680_n 29027669_1583489645098216_5735862818750595072_n 29028117_1583488998431614_4975670323371311104_n 29063514_1583489158431598_5667720912036691968_n (1) 29063514_1583489158431598_5667720912036691968_n 29066578_1583490031764844_4268517727750062080_n 29103950_1583489288431585_1982037904280518656_n MBC

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.