Sunday, June 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Baabuur Ay La Socdeen Koox Fanaaniinna Oo Gubtay

Published on March 10, 2018 by   ·   No Comments

Daarasalaam (SDWO): Baabuur ay la socdeen  koox fanaaniin ah   oo  hawlo wacyigelineed u tegay degmadda  Daarasaal ee woqooyiga Hargaysa ayaa baabuurkii ay wateen gebi ahaanba uu shuf-beelay.

28950925_221628275079820_1208532685320880128_n

Kadib markii uu Dab ka kacay qaybta Baateriga gaadhigaasi, kaasoo ku sii fiday qaybaha kale ee baabuurka aakhirkiina  sababay in  uu gubto gaadhigaasi oo noociisu ahaa Land Cruiser.

Dhacdadani ayaa gelinkii danbe ee maanta ka dhacday duleedka koonfureed ee degmadda Daarasalaam oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Kooxdan fanaaniinta ayaa u jeedadda safarka ay ku joogeen degaanka Daarasalaam  waxa uu  ahaa    iyagoo fulinayay barnaamij la xidhiidhay wacyigelinta tallaalka  xanuunka Jadeecadda oo ay u dirtay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Hase yeeshee markii ay soo dhamaysteen hawshoodda wacyigelinta ahayd xili ay  ku soo jeedeen  caasimadda Hargaysa ayaa Dab  ka dhashay qaybta  baabuurka laftiisa, kaasoo  dhaliyay gubashadda gaadhigaasi.

Inkastoo  aanay jirin wax dhibaato ah oo ka soo gaadhay kooxdii  saarnayd.  Sida uu   noo xaqijiyay Bushaar Saleebaan Xasan (Bushaar-famous), oo ah Muusishan ka tirsan koox faneedka Xidigaha Geeska iyo waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland, isla markaana la socday kooxdan fanaaniinta ahaa ee uu baabuurku ka  gubtay  oo caawa dhacdadaasi uga waramay shebekadda SDWO.

20156033_149700102272638_5487266636189882254_n

Isagoo sharaxaad ka bixinayay sida wax u dhaceen waxa uu yidhi  “Markii aanu soo noqonay, soona dhamaysanay barnaamijkayagii, ee aanu u soo jeednay dhinaca caasimadda Hargaysa  ayaa gaadhigii aanu waday uu Dab ka kacay, kaasoo ka dhashay qaybta Baateriga ee baabuurka.

Kadibna Dabkii ayaa ku sii fiday qaybihii kale ee gaadhiga, iyadoo aakhirkiina gebi ahaanba uu sidaas ku bas-beelay, kuna gubtay baabuurkaasi”.

kooxdan  fanaaniinta  ah waxaa  hogaaminayay abwaan Axmed Saleebaan Bidde, kuwaasoo isugu jiray jileyaal,  muusikaysteyaal, heesaa  iyo xubno kale. Sidoo kale gaadhigaasi oo noociisu ahaa Land Cruiser waxaa iska lahaa abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

Geesta  kale Muusishan Bushaar Famous, waxa uu tilmaamay inay isku deyeen sidii ay u demin lahaa Dabka ka kacay gaadhiga, balse Dabka oo xoog badnaa awgeed aanay ku guulaysan in ay demiyaan.

Bushaar Famous, waxa kaloo uu sheegay in markii gaadhigii ay ku safrayeen uu gubtay in ay  qaylo doon u soo dirteen dhinaca Hargaysa, gaar ahaana wasaaradda caafimaadka si baabuur kale loogu soo diro.

Balse intii aanu soo gaadhin baabuurkii ay wasaaradda caafimaadku u dirtay ayaa gaadhi kale oo ka yimid dhinaca degmadda Daarasalaam ee ay barnaamijka wacyigelinta ah ku dhigayeen uu ku soo maray goobtii uu gaadhigu kaga gubtay.

Iyadoo  uu baabuurkaasi soo qaaday, sidaasina ku keenay magaaladda Hargaysa oo ay ku soo socdeen kooxdaasi fanaaniinta ah.

Ma aha markii u horaysay oo sidan oo kale baabuur ay dad ku safrayaan uu ka gubto weliba dab gaadhiga laftiisa ka dhashay, laakiin dhacdadani ayaa kaga duwan kuwii hore loo arki jiray, in baabuur ay koox fanaaniin ah ku safrayeen uu ka gubto.

Daawo Muuqaalka Gubashadii Gaadhiga:

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.