Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xildhibaan Cumar Sanweyne Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Carqaladaynta Soomaaliya Ku Hayso Heshiiska Horumarinta Dekadda Berbera

Published on March 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa   (SDWO): Guddoomiyaha  guddi hoosaadka   dhaqaalaha iyo Maaliyada   golaha Wakiilada  Somaliland    Cumar Axmed  Saleebaan  Cumar   Sanwayne ayaa ku baaqay in loo mideebo farogelinta qaawan iyo   carqaladaynta ay   dawlada Soomaaliya ku  hayso   heshiiska hroumarinta dekadda Berbera.

download

Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne oo maanta  la hadlay warbaahinta    ayaa sheegay in aanay waxba u dhimi doonin  warqada  Soomaaliya  u qortay  ururka Jaamacada  Carabta   ee ay kaga soo hor jeedaan   heshiiskii ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland Itoobiya iyo shirkada Dp World.

Waxaanu  u soo jeediyay siyaasiyiinta ka soo hor jeeda heshiiska in aanay ku mashquulin siyaasada gudaha ee Somaliland.

Waxaanu  yidhi “Waxaa loo baahan yahay in loo midoobo danta qaranka Somaliland oo laga baxo ficiltanka dhaxdeena,  wataas oo Soomaaliya ayaa dagaal inagu soo qaaday  ayaan   leeyahay dadka ka soo hor jeeda heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha  Somaliland Itoobiya iyo Shirkadda DP World ee lagu balaadhinayo  dekeda Berbera.

Indhihii  caalamka ayuu ku soo jeediyay Somaliland warqada ay u direen Soomaaliya Jaamacada carabta waxba mayeeli karo maalgelinta lagu samaynayo dekeda Berbera”.

“Wasiirka  arimaha dibada Somaliland warbixin ayuu sii yay golaha wakiilada xildhibaanaduna su’aalo ku saabsan ayay wax ka waydiiyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee kala saxeexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkadda DP World,  waanu  uga wada jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen”ayu yidhi xildhibaan Sanweyne.

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya aanay khusayn heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkada DP World ee lagu balaadhinayo dekeda Berbera.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa  uu yidhi “Dawlada Soomaaliya makhusayso heshiiska ay kala saxxexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkada DP World ee lagu balaadhinayo dekeda Berbera.

Baarlamaanka  Soomaaliya ma aha Baarlamaan la soo doortay halka Baarlamaanka Somaliland uu yahay mid ay shacabku  soo doorteen”.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.