Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiyaha Hay’adda Barakaceyaasha Oo Joojiyay Wada-shaqayntii Candle Light

Published on March 12, 2018 by   ·   No Comments

 

Hargeysa (SDWO): Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaaysha Qaranka Somaliland Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif) ayaa si ku meel gaadh ah u joojiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen Hay’adda Candle light.

Gudoomiyaha-qaxoontiga-310x207

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland, waxa uu farriin u diray Hay’adaha kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin, sida hay’adda FCA, NRC, DRC, WORLD VISITON, IOM, AAHI, UNCHR iyo WFP.

Waxaanu faray in aanay la shaqayn Hay’adda Candle Light, isla markaana aanu dhex marin wax xidhiidh ah oo ku saabsan Barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland ku sugan.

Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), ayaa wareegto uu soo saaray  kaga hadlay arrintaasi, wareegtadaasina waxay u qornayd sidan “Candle Light, waxay joojisay xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Ha’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha.

Kadib  markii ay ka soo jawaabi wayday xidhiidho kala duwan oo lala sameeyay masuuliyiinta ugu saraysa, iimaylo iyo fariimo kala duwana oo loo diray, sidoo kale waxa ay Hay’adda Candle light soo gudbin wayday qorshaheedii sanadka cusub ee 2018-ka .

Dhamaan Hay’adaha iyo Ururada ayaa la farayaa in aanay Hay’addaasi dhex marin wax wadashaqayn ah oo ku saabsan Barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga dalka ku sugan.”

 

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.