Tuesday, July 17th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Mucaaradka, baarlamaanka, xukuumadda iyo shacabka somaliland – isku-duubni waa inay ku daafacaan jiritaankooda ay soo weerartay somalia. By – Rasheed Ali Meigag Samater

Published on March 13, 2018 by   ·   No Comments

Waxa hubaal ah in muranka siyaasadeed ee dhexdeennu uu qayb libaax ka yahay gefka iyo gardarrooyinka ka soo kordhaya somalia, kuwaasoo  27 sannadood ka dib, ku soo dhiirraday inay ammarro iyo sharciyo soo saaraan lagu maamulayo  airportyadeenna, dekedeheenna iyo guud ahaanba dalkeenna somaliland. Waa sharciyo iyagu dekedohooda iyo dhulkooda ay bixiyeen, intiisa badanina aanay gacanba ugu jirin, aanay hore  weligood uga soo saarin.

rashidmg

Somalia, oo xataa magacii  aynu beri wada lahaan jirney beddeshay ee (somali republic), lehna baarlamaan iyo xukuumad dad tiro yari lacag ku kala iibsadeen –  guri dhexdiisna lagu magacaabay, oo weliba aan maamuli karin 4 kilo meter oo dhulkooda ah, ayaa iyagoo wax kama jiraan ka dhigaya xukuumadeenna, golayaasheennii, iyo shuruucdeennii 27ka sanadood isku xukumaynay,  iyo doorashooyinkeennii codka shacabka  ku salaysnaa – ayaa markii u horraysay illaa iyo intii s/land dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda ku dhawaaqay amarro iyo sharciyo ay sheeganayaan in lagu maamuli doono s/land.

Waxa yaab iyo amankaag ah, in somalia dhib kastoo dalkooda iyo dadkooda haystaba ay kaga mashquulaan cadaawad, nacayb iyo fidno ay ka geystaan somaliland – oo iyadu aan marnaba gef iyo gardarrotoona aan  u quudhin somalia,

Waxana iyana hubaal ah, in nacaybkaas oo awalba la iska ogaa, lakiin huursanaa – uu maanta soo if baxay, ka dib markii ay aad u dhiirri-gelisay mucaradadda xadhka goyska ah ee dad badan oo reer somaliland ihi, si joogta ah iyo si damiir la’aan ah, ula taagan yihiin warbaahinta caalamka iyo mareegaha bulshada iyagoo wax kala tabanaya. Khilaafaadkaa hoose ee qaranimada taabanaya, ayay tahay in si degdeg ah loo joojiyo – oo lagu soo afjaro mucaaradad toosin mooyee aan qaran-liidis xambaarsanyn – cadawgana fursad ku casumaynin.

Xukuumadda somalilandna waxanu ugu baaqaynnaa in aan la dhayalsan tabashada dadkeeda, iyo in  wada-hadalka somalia aanu mudnayn waqti lagu lumiyo,  maadaama oo dadka hormuudka ka ah somaliyada maantu, ay yihiin dad aan runta waajihi karin, siyaasaddana u yaqaanna been iyo dafiraad – isla markaana khgaladka iyo saxu uu isugu mid yahay. Sidaa darteed wada-hadaladaa madhalayska ah, waa in la laalo – illaa iyo inta isbeddel caqli gal ah ama fikir cusub laga arkayo somalia.

Somalilandna waxa la gudboon, inay si cad oo isku-duubni ah – mucaarad, muxaafid, golayaal-shacab iyo xukuumadba ugu quus gooyaan gardarrda iyo gefka somalia ee isa soo taraya, kuwaasoo markale soo nooleeyey xusuusta dhacdooyinkii qadhadhaa ee siddeetanaadkii (1980s) ka dhacay somaliland.

Wa Billahi Tawfiiq

Rasheed Ali Meigag Samater

Hoggaamiyaha Jaaliyadda W. London        

 

 
,, ,,,.