Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Ka Hadashay Dacwadda Ka Dhanka Ah Heshiiska DP World Ee Ay Dawladda Muqdisho U Gudbisay Qaramadda Midoobay

Published on March 28, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland  ayaa wax lala yaabo iyo mid aan waxba ka bedeli doonin ku tilmaantay  dacwadda  ka dhanka ah  heshiiska dekadda Berbera  ee  ay dawladda federaalka Soomaaliya u gudbisay qaramadda midoobay.

download

Wasiirka arrimaha Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo maanta   warbaahinta kula  hadlay magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in aanay  Soomaaliya awood u lahayn in ay ka dacwooto heshiiskaasi, maadaama oo aanay iyadu ka talilin dhulka Somaliland.

Wasiir Sacad, waxa uu sheegay heshiska ay Somaliland la gashay shirkadda  DP World aanu waxba ka duwanayn heshiisyadii ay hore ula geli jirtay dawladaha iyo shirkadaha caalamka.  Waxaanu yidhi “Heshiisyadda ay Somaliland la gasho caalamka intiisa kale waa xalaal,  waana sharci.

Heshiiska aan la galnay shirkadda DP World-na  wuxuun buu la mid yahay  heshiisyadii aanu hore ula geli jirnay  shirkadaha iyo dawladaha caalamka”.

“Cid-naba laguma dacweyn karro heshiiskaasi  aanu la galnay dawladda imaaraadka carabta iyo shirkadda DP World. Waana heshiis dhaqaale iyo horumarineed, oo u dan ah dad reer Somaliland, dadka reer  Itoobiya, dadka reer Soomaaliya iyo bulshadda Geeska Afrikoo dhan, oo ay tahay in la soo dhaweeyo. Balse in la dacweeyo ma aha”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Dawladda federaalka Soomaaliya meel ayay ka talisaa, oo sharcigeedda iyo xukunkeedu ka socdaa, wixii kuwaa khuseeya intay ka taliso haka dacwooto, laakiin meel aanay kaba talinin, kama dacwoon karto”.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.