Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Gardarrada Soomaaliya Ee Ka Dhanka Ah Qaddiyadda Somaliland Abaaraha iyo Arrimo Kale

Published on March 31, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh uga hadlay arrimo door ah oo salka ku haya gardarrada joogtada ah ee ay Soomaaliya ku hayso qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland iyo xaaladda abaareed ee mar kale ka curatay gobollo kamid ah dalka.

29683601_1606241972822983_1024415617559062382_n 29684057_1606249196155594_2181507135955159346_n 29694545_1606241609489686_5566717474091681991_n 29694728_1606241592823021_4241128373658396266_n 29789906_1606243882822792_8628998407432567594_n 29791336_1606242032822977_8220033416425614052_n

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta jir shiraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadalkiisa si gaar ah diiradda ugu saaray dacwado ka dhan ah maal-gashiga marsada Berbera iyo heshiisyada ay Jamhuuriyadda Somaliland la gashay shirkadda DP World oo ay Soomaaliya u gudbisay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Waxaanu  tallaabooyinkaas ku tilmaamay qaar ka dhan ah himilada qaranka, kana hor imanaya go’aankii shacabka reer Somaliland hore ugu gaadheen inay dawlad madax bannaan ku noqdaan.

29594595_1606241236156390_4954682537097041310_n 29598108_1606241206156393_3417501748553828031_n

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan qaadeen wixii tallaabooyin ahaa ee ay kaga hor tegayeen dacwadaha ay Soomaaliya gudbisay,  iyadoo intii shirka jaraa’id ee madaxweynuhu uu socday weriyeyaashu ay su’aalo badan waydiiyeen.

Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday taariikhda ma guuraanka ah ee isla soo mareen dalalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo sida aanay Somaliland marnaba qayb uga ahayn dawladihii loo dhoob dhoobay Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Madaxweynaha:

SDWO/Hargeisa  Office

 
,, ,,,.