Monday, August 19th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Demanaani Waa Halis: Maanso cusub/Waxa Curiyay: Abwaan Nimcaan Aadan Ibraahim

Published on March 31, 2018 by   ·   No Comments

Maansadan oo magaceeda la yidhaahdo Demanaani waa Halis oo uu hal-abuuray abwaanka da’da yare e Nimcaan Aadan Ibraahim, waxay ka hadlaysaa maalgashiga ay shirkadda imaaraadka carabta ee DP World ku samaynayso dekadda Berbera.

Waxaanu abwaanku bulshadda hogo tusaalaynayaa u jeedadda dhabta ah ee arrinta maalgashiga, faa’iidadda dadka Somaliland ugu jirta siday lagama maarmaanka u tahay in marka xukuumadu heshiisyo noocaas ah la gelayso shirkado ama dawlado shisheeye loogu baahan yahay in la iska hubiyo.

Maansadaasina waxay ku bilaabmaysaa sidan:

Aduunyadu dedaaliyo

Daymo feejignaan bay

Runtii kuugu darartaa

Degenaantu waa Sade

Doobigaagoo buuxsamay

Degdeg looma qaadoo

Dafdaf lalama boodee

Dareen iyo itaal baa

Lagu daan qabtaayoo

Daryeel loogu taliyaa.

Durduraduse waa shile

Duunyaduu nin kale sido

Dabac looma qaatee

Danta muxuu ka leeyaa

Dulucdeed la baadhaa.

Dagnaan ha u riyaaqinoo

Doolarkuun ha eegine

Daah rog xaajadani ugub

Doox ubucda sheekada

Day day oo ujeedadu

Waxay daaran tahay garo.

Doodayda hadalkiyo

Diiwaanka maansada

Danta aan ka leeyahay

Docda aan u dhaafoo

Daadejo warkaygee.

Dawladahan carbeedee

Dekedaydan caashaqay

Damacood muxuu yahay

Ma deeqbaa ma dayraa

Ma dabino qarsoon baa

Dal boob iyo miyaa tolow

Degel goofin khayraad.

Dejin ciidan xoogliyo

Debaabaado maqaloo

Dalabkooda sheegtee.

Dabro weerar ba,aniyo

Ma duulaan badheedhaa.

Daryeel baan wadnaa iyo

Dumbuqyaa Ku hoos jira

Isu dawba maahoo

Didmay nagu abuurtaye

 

Daya daya waxbaa dedan.

Hoos u daya waxaa dedan

Dood geliya xaajada

Duqaydana la kaashada.

Dani ma hurto weeyee

Dadku wuxuu aqbali karo

Dalna lagu hoogaamiyo

Deg deg noogu sheegoo

Soo hor dhiga dadweynaha.

Duuduubay heestee

Deelkan waxan Ku soo xidhay

Demanaani waa halis

Hadaan laga digtoonaan.

download

Waxaa Curiay Abwaan  Nimcaan Aadan Ibraahim

Hargaysa Somaliland

 
,, ,,,.