Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Nin Ganacsade ahaa Oo Lagu Dilay Laascaanood

Published on April 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in baadi goob balaadhan loogu jiro soo qabashadda cidii ka danbaysay   nin ganacsade ahaa oo laba habeen ka hor lagu dilay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

download (3)

Waxaanu tilmaamay wasiirku  in cidii ka danbaysay dilkaasi sidii loo soo qaban lahaa ay xukuumadu dedaal adag ugu jirto, iyadoo kaashanaysa dadka gobolka Sool, isla markaana ay arrintaasi iska arkeen madaxweynaha iyo waxgarad ka soo jeedda Sool.

Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka codsaday beesha uu ka soo jeeday marxuumka la dilay in aanay qaadin wax tallaabo ah qaadin ilaa inta la soo qabanayo cidii dilka gaystay.

Daawo Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.