Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland Ay Ka Leexdeen Nidaamkii Loo Aasaasay

Published on April 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiyadda siyaasadda Somaliland ay ka leexdeen dariiqii loogu tallo galay  in u dhaqmaan ayna hadda u muuqdaan kuwo ay reero leeyihiin.

muuse-biix-816x459

Waxaanu  eedda arrintaasi dusha u saaray bulshadda reer Somaliland oo uu ku dhaliilay in ay nidaamkii dimoqraadiyadda iyo siyaasadda ku dhex mileen qabyaalad, isla markaana ay taasi sababtay in xisbiyadu ka leexdeen habkii loo sameeyay.

Madaxweyne Biixi, waxa uu sidan ku sheegay waraysi dheer oo uu la yeeshay weriye C/salaam Ibraahim Hereri, oo ka tirsan telefishanka UNIVERSAL. Waraysigaasi ayuu madaxweynuhu kaga hadlay  abaaraha soo noq noqday iyo sidii looga gaashaaman lahaa, in wax laga bedello qaabka aynu xoolaha nool u dhaqano, in bulshadda la barro sida looga shaqaysto Baddaha.

Sidoo kale waxa uu Muuse Biixi, ka hadlay  sababta uu xukuumadiisa iyo golaha wasiirradaba ugu soo daray tiro badan oo dhalinyarro ah, isla markaana uu uga tegay rag aqoon yahamiin ahaa oo la filayay in uu wasiirro ka dhigo iyo arrimo kaloo fara badan.

Halkan Hoose Ka Daawo Waraysigaasi:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.