Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Safar Ku Maraya Goboladda Bari Ee Dalka

Published on April 11, 2018 by   ·   No Comments

Caynaba (SDWO): Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa socdaal ugu kicitimay Gobolada Bariga Somaliland.

30531378_2148845671798631_5021956052048936960_n 30571338_2148845418465323_7888005866316627968_n 30571852_2148928138457051_8067151262925193216_n 30572002_2148846321798566_6653659856316137472_n 30572176_2148846231798575_6792552424289599488_n

Socdaalkan oo ay wasiirka ku wehelinayeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda horumarinta Beeraha, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Ibraahim Cumar Kaahin, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Beeraha Maxamed Siciid (Maxamed Sudani).

Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada Cabdiqani Yuusuf Galaydh, Agaasimaha waaxda Gaadiidka iyo Cagafyada Ibraahim Carab Ceelaabe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.

Weftiga ayaa socdaalkoodan ku soo maray Gobolka Togdheer gaar ahaan Xafiiska wasaaraddu ku leedahay Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, isaga oo wasiirku shir is xog wareysi iyo sidii xafiisku u dar dar galin lahaa shaqada uu bulshada u hayo la yeeshay shaqaalaha Wasaaradda ee Gobolka Togdheer.

Isuduwaha Gobolka Togdheer ee Wasaaradda Beeraha ayaa wasiirka iyo weftiga la socda uga xogwaramay shaqada ay xafiiskoodu hayaan, isaga oo tilmaamay inay u heelan yihiin sidii ay shaqadooda u kordhin lahaayeen wakhti roobaadkan ay bulshadu beeraha qodanayso.

Waxaanu  yidhi   “Mudane wasiir waxaanu diyaar u nahay inaanu kordhino shaqadayada maadaama oo xili roobaadkii beeraha la qodanayey lagu jiro, waxaananu bilawnay qodaalka iyo qorshihisii anaga oo ka bilawnay inaanu isla xafiiska qayb beeraha ka qodno”.

30624579_2148846908465174_9069553486865104896_n 30652253_2148846965131835_3328552723292356608_n

Wasiirka ayaa shaqaalaha Gobolka Togdheer ee Wasaaradda horumarinta beeraha kula dardaarmay inay dedaalaan wixii karaankooda ahna ka wasaarad ahaan la bar bar taagan yihiin “Waxaanu idinkula dar daarmaynaa inaad dedaalka xoojisaan wixii shaqo iyo karaankayaga taageero ahna waanu idinla bar bar taaganahay”ayuu yidhi wasiir Seed.

Wasiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa waxa ay uga sii gudbeen Gobolka Saraar, waxaanay mareen Beeraha Deegaanada Waadamo goo iyo Caynabo ku teedsan.

Wasiirka oo bulshada beeralayda ah khudbad u jeediyey ayaa kula dar daarmay inay wax soo saarka sidii loo kobcin lahaa dedaalkeeda galaan, waxaanu yidhi  “Waxa loo baahan yahay inaynu inaga oo aan hay’ad iyo dawlad waxba ka sugin isku tashano oo waxeena la soo baxno”.

 

30516330_2148846561798542_7144127898700480512_n 30531378_2148845671798631_5021956052048936960_n 30571338_2148845418465323_7888005866316627968_n 30571852_2148928138457051_8067151262925193216_n 30572002_2148846321798566_6653659856316137472_n 30572176_2148846231798575_6792552424289599488_n 30581313_2148928225123709_1395968859164377088_n 30581966_2148846295131902_3964489053134389248_n 30582134_2148845745131957_1793415344505749504_n 30594530_2148845175132014_5642003008645496832_n 30594558_2148845271798671_5611568720062185472_n 30595151_2148845278465337_7565479596485771264_n 30595216_2148846808465184_6873427371437850624_n 30624579_2148846908465174_9069553486865104896_n 30652253_2148846965131835_3328552723292356608_n 30656282_2148846745131857_3830054914617245696_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.