Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

30 Maalmood Ee Loo Qabtay Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Mareegaha Internet-ka In Ay Kaga Guuraan Furaha Soomaaliya Oo Caawa Ku Eg iyo Digniinta Wasaaradda Boosaha

Published on April 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Waxaa caawa  ku ekayd mudadii sodonka maalmood ahayd ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland u qabatay shirkadaha isgaadhiinta in ay kaga guuraan furaha internet-ka ee loo yaqaano Top Level Domain-ka So.

wasir boso974

Wareegto  uu wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland soo saaray 11-kii bishii hore  ayaa amar lagu siiyay  dhamaanba shirkadaha isgaadhsiinta ee bixiya adeega internet-ka ee Dhot So shebekadaha wararka, jaamacadaha, baananka iyo dhamaanba xarumaha ganacsiga in ay ka wareegaan furahaasi.

Tallaabadaasi  ayaa lagu tilmaamay mid looga danleeyahay  maadaama oo ay dawladda federaalka Soomaaliya la wareegtay furaha lagu istcimaalo isgaadhsiinta iyo internet-ka ee Top  Level Domain-ka So, sidaas darteed-na ay Somaliland u wareegayso furaha kale oo madax banaan.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiweli Sheekh C/laahi Suufi,  oo maanta  la hadlay warbaahinta qaranka ayaa mar  kale ugu baaqay shirkadaha isgaadhsiinta, shebekadaha wararka iyo cid kastoo weli isticmaalaysa furaha Soomaaliya in ay si deg deg ah uga guuraan.

Waxaanu carabka ku dhuftay qaar ka mid ah shebekadaha wararka, shirkadaha isgaadhsiinta, jaamcadaha iyo meelo kale-ba ay ku soo wargeliyeen in ay ka guureen furahaasi,  kuwa aan weli ka guurina  ay filayaan in saacadaha soo socda ay ka wareegaan.

Cabdiweli Sheekh C/laahi,  oo ka hadlayay tallaabadda ay ka qaadayaan shebekadaha wararka haddii ay go’aankoodda u hoogaansami waayaan, waxa uu yidhi “Waxaa xigga in aan la ogolaan doonin in shebekadahaasi wararku (Website-yadda) ay Somaliland ka dhex shaqeeyaan.

Farsamo ahaana waanu kala shaqaynaynaa shirkadaha isgaadhsiinta ee wadanka jooga. Markaa waan ka joojin doonaa, kamana shaqaynayo shebekadaha wararka oo SO ah in uu Somaliland soo gallo.

Wasaarad ahaan go’aankii aanu soo saarnay wuxuu ahaa, maadaama oo Top Level Domain-kii Dhot SO ay la wareegtay  dawladda federaalka Soomaaliya in dadka reer Somaliland, shirkadaha iyo jaamacadaha, baananka iyo cidii kale ee isticmaalaysay furaha adeega internet-ka ee Dhot  SO in ay muddo 30 maalmood ah kaga guuraan.

Waxaanay  ka bilaabmaysay  bishii 3aad  12-keedii, si guud maanta  ayaa u danbaysa.  Warbaahinta  waanu u marinay, toosna waanu ula xidhiidhnay oo waanu u sheegnay, caawa (xalay) ayaana u danbaysa.

Qaybo ka mid ahi way noo soo sheegeen in ay ka guureen, kuwa kale-na waxaanu ku rejo weynahay in saacadaha ka hadhay ee ilaa caawa  in ay kaga guuri doonaan”.

Cabdiweli Sheekh C/laahi Suufi, waxa uu sheegay in sababta  ay  uga guurayso Somaliland furaha  lagu istcimaallo adeega Internet-ka ee loo yaqaano Dhot So ay tahay, kadib markii ay dawladda federaalka Soomaaliya la wareegtay furahaasi.

Arrintaasi oo uu ku tilmaamay in macnaheedu yahay in Soomaaliya ay maamusho adeegaasi iyo shirkadaha istcimaalayaba,  taasoo ka soo hor jeedda qaranimadda Somaliland.

“Inagu (Somaliland) ma nihin wadan la aqoonsan yahay, laakiin ilaa inta aynu helayno furre inoo gaara. Waxaa qaranimadeena ka soo hor jeedda in aynu isticmaalno furaha  Dhot So, oo marka shirkad, baan ama jaamacadda isticmaalaysa furaha Soomaaliya ee loo yaqaano Dhot So, macnaheedu waxa  weeye Soomaaliya ayay ku taallaa, ama dawladda Soomaaliya ayaa maamusha.

Taasi ayaynu inagu markaa ka hortagnay.  Keligee-na maahee, wadamadda kale inala midka ahi way qaateen siyaasadaasi, waxaana la yidhaahdaa Web Contain Regulation.

Dawladuhu waxay xaq u leeyihiin waxay u arkaan qaranimadooda iyo madaxbanaanidoodda in uu ka soo hor jeedo in ay ka qaadaan tallaabo, waana xeer ay leeyihiin”ayuu yidhi wasiir Suufi.

37

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Intii ka guurtay furaha Soomaaliya ee Dhot So, waan uga mahad naqaynaa, inta kale-na saacadaha soo socda in ay kaga guuraan ayaanu ku rejo weynahay.

Dunida guud ahaan saddex nooc ayuunbaa loo maamulaa isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda casriga ah loo maamulaa. In dawladda ay wada yeelato, in dawladda iyo shirkaduhu ay wada yeeshaan iyo in sideena suq xor ah la sameeyo, oo dawladda doorkeedu ay noqoto uun in ay maamusho, oo ay siyaasadda dejiso, oo ay kor joogtayso, oo ay ilaaliso suuqa iyo tartanka socda.

Mar walbana dawladda iyo qolooyinka ganacsadu way wada shaqeeyaan, ilaa hadda inta aan ka aragnay ma xuma wada shaqaynta aanu shirkadaha la leenahay”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.