Thursday, April 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May Oo Kulankoodii U Horreeyey Yeeshay

Published on April 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddida qaban-qaabada xuska munaasibadda qaran ee 18-ka May, ayaa maanta gelinkii danbe ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee la xidhiidha dardargelinta hawlaha hor yaalla.

30629356_1616661478447699_1351212868988567552_n

Guddidan oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay xarunta qasriga madaxtooyada.

Waxaana  shir-guddoominayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland   Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici), kulankaasina waxa diiradda lagu saaray sdii ay guddi ahaan u dardargelin lahaayeen hawsha qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May.

Xubnaha guddida, ayaa kulankooda ku faaqiday sidii ay u diyaarin lahaayeen munaasibadda qaran ee 18-ka May, isla markaana dalka looga qaban lahaa munaasibado si heersare ah u abaabulan oo lagu weynaynayo goonni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay  si waafi ah uga doodeen waxyaabaha ay guddi ahaan door bidayaan in lagu weynayn karo munaasibaddan.

30516558_1616661498447697_1184174955122655232_n

Gebogebadii guddidu waxa ay isla qaateen inay fadhiyo dambe isugu yimaadaan, si ay u hirgeliyaan munaasibad heerkeedu sarreeyo, isla markaana shacabka reer Somaliland ka dhaadhiciyaan inay ka qayb-qaataan xuska maalinta qaran ee 18-ka May ee foodda inagu soo haysa.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 
,, ,,,.