Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Dayaca Caasimada Hargeysa, Biyo iyo Qashin ka dhashay roobabkii waaweynaa iyo Dhoohanaanta shacbiga ku dhaqan

Published on April 13, 2018 by   ·   No Comments

Somaliland waxay dhowaan u dabaal degidoontaa sanad guuradii 27 ee dib ula soo noqoshada madaxbanaanideedii luntay sanadkii 1960kii.   Hadaba waxa isweydiin leh dal wadooyinkii caasimadiisu markuu roob da,o ay togag biyo ah iyo qashin dhexmushaaxayaan isku bedelaysaa aqoonsi sidey ku kasban kartaa.    Hargeysa 27kaas sanadood waxa ciilay oo curyaamiyey waa golayaashii deegaanka ee u kala danbeeyay oo aan mid qudhi la imanin ajande uu wax kaga qabanayo dhibaatooyinka ay keenan daadka ka dhasha roobabku markay da,aan.  Kuwan hada joogaana waxayba ku faanaan wadooyin yaryar oo ay nabnabaan oo roobka u horeeyaaba la tago.

Golayaasha deegaanka ee weliba kuwan u danbeeyay la soo doortay xil badan iskama saaraan inay fuliyaan waxyaabahii loo doortey maadaama aanay shacbigii soo doortey la xisaabtamaynin.   Shacbiga aan ka hadlaynin kana dhiidhiyeynin hagrashada golaha deeganka Hargeysi waxay u suurtogelinaysaa inaanay danaynin wax ka qabashada baahiyah aasaasiga ah ee aay la daalaa dhacayso caasimadu.    Maanta muuqaalka wadooyinka hargeysa caasimad baad sheegtee tuulo laguma sheegi karo.

hargysa roob hargysa roob1 hargysa roob2

dhhargeisa

 
,, ,,,.