Tuesday, September 18th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan-geliyay Miisaaniyad Sanadeedka 2018-ka

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ay dhawaan ansixiyeen golaha Wakiiladu.

30629155_1618363908277456_3824857913994772480_n

Sida lagu sheegay wareegto uu soo saaray madaxweynuhu isagoo u cuskanaya qodobo dhawra waxa uu go’aansaday in uu dhaqan-geliyo miisaaniyadaasi.

Wareegtadda uu madaxweyne Biixi soo saaray waxay u dhignayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-078/42018 ku dhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-36/789/2018, ee ku taariikheysan 09/04/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2018-ka;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Dawladaha Hoose, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha Hoose (JPLG).

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 
,, ,,,.