Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Beeraha Oo Kormeer Ku Maray Beeralayda Degaanka Bixin Ee Degmada Ceel-afweyn

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Ceel-Afweyn (SDWO): Wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo ku gudo jira socdaalkiisa Gobolada Bari ee dar dar galinta wax soo saarka beeraha ayaa maanta kormeer ku tegay Beeralayda Bixin oo ka tirsan Degmada Ceel Afweyn.

30688889_2152604964756035_286899073728905216_n 30689221_2152606444755887_2705528250553073664_n 30704269_2152606341422564_7485213426591989760_n 30704855_2152604924756039_5225019228175728640_n

Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay inay ku dedalaan sidii ay wax soo saarkooda u kobcin lahaayeen, isla markaana uga faa’iidaysan lahaayeen Biyaha dur durka ah ee deegaankoodu leeyihiin.

30688683_2152604854756046_1555791026109546496_n

Waxaanu  yidhi  “Waxaan idinkula dar daarmaaya inaad ku dedaashaan sidii cuntadeena ula soo bixin lahayn oo aynaan meel kale uga doonan lahayn, isla markaana uga faa’iidaysan lahaydeen biyahaa dur durka ah ee deegaankiina mara”.

30688240_2152605334755998_5506885669680578560_n

Geesta kale masuuliyiinta Degmada iyo Bulshada deegaanka ayaa iyaguna tibaaxay sida ay diyaarka ugu yihiin inay wax soo saar ula yimaadaan.

Waxaanay  wasiirka uga mahadceliyeen inuu beeraha ay ku tabceen soo kormeero taasina dhiirigalin u tahay oo ay halkaa dedaalka ka sii wadi doonaan.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.