Thursday, April 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Somaliland OoTacsi U Diray Marxuum Dr. Jaamac Daa’uud Cismaan Oo Geeriyooday Burco

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Burco (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka iyo  waayeelka.

Aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Jaamac Daa’uud Cismaan oo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2018 ku geeriyooday, magaalada Burco.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey dhakhtar ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay wakhtiyadii kala duwanaa ee la soo maray dalka, isagoo marxuumku ka mid ahaa mujaahidiintii qaybta ka qaatay halgamadii kala danbeeyey ee xirfadiisa dhakhtarnimo uga faa’iideeyey dadkiisa sidoo kalena qayb ku lahaa dib u dhiskii dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 
,, ,,,.