Tuesday, September 18th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Dhaqaale Loogu Tallo Galay Qodaalka Beeralayda Oo Lagu Wareejiyey Masuuliyiinta Gobolka Saaxil

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Berbera (SDWO): Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa dhaqaale loogu talo galay in beeraha loogu qodo beeralayda Gobolka Saaxil ku wareejiyey Badhasaabka Gobolka iyo isuduwaha wasaaradda Beeraha ee Gobolka Saaxil.
30705590_2153433411339857_4969448878559461376_n 30706153_2153433121339886_1823906446916452352_n 30709938_2153432664673265_3105647030186278912_n 30710529_2153432471339951_3390749209857622016_n (1)

Wasiirka oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhaqaale loogu talo galay in 270 Qoys oo qoyskiiba loo qodayo Sadex saacadood ku wareejinayaan masuuliyiinta gobolka Saaxil.

Waxaanu  yidhi   “Mudane Guddoomiye waxaan halkan idiinku wareejinaynaa dhaqaale loogu talo galay in 270 Qoys oo ka mid ah beeralayda gobolka Saaxil beero loogu qodo.

Waxaanan  rajaynaynaa in aad arintaasi si fiican uga soo bixi doontaan, waxaanu dhaqaalahani yahay dhaqaalihii ay soo ururiyeen guddidii ka soo kabashada abaaraha ee bulshada Somaliland laga soo ururiyey”.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Eng Axmed Faarax Oo isna madaashaasi ka hadlay ayaa waxa uu balan qaaday inay sida ugu wanaagsan uga hawl gali doonaan sidii hawshaasi beeralaydii loogu talo galay u gaadhi lahayd.

Waxaanu  yidhi   “Dhaqaalahan loogu talo galay in beeralayda qodaal loogu sameeyo waxaanu ka hawl gali doonaa in sida ugu dhakhsaha badan beeraha loogu qodo beeralaydii loogu talo galay”.

Isuduwaha Gobolka Saaxil ee Wasaaradda Horumarinta beeraha Maxamed Jaamac iyo Xoghayaha Gobolka Saaxil ayaa iyaguna tilmaamay muhiimada hawshan leedahay.

Waxaanay  balan qaadeen inay sida ugu wanaagsan uga hawl gali doonaan sidii beeralaydii loogu talo galay beeraha loogu qodi lahaa.

30710529_2153432471339951_3390749209857622016_n 30710905_2153433104673221_5345844041260990464_n 30716053_2153432748006590_8276415740467216384_n 30723889_2153432384673293_4218464784472866816_n 30724697_2153432258006639_6142543277619937280_n

Wasiirka ayaa dhaqaalahan Beeralayda loogu talo galay hore ugu soo wareejiyey masuuliyiinta Gobolada Sool, Sanaag, Saraar iyo Togdheer.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.