Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maxkamadda Hargaysa Oo 3 Sano Oo Xabsiya Ku Riday Naciima Qorane

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa  saaka xukun ah saddex sanadood  oo xadhig ah ku riday  Naciima Axmed Ibraahim oo ilaa 27-kii bishii January ee sanadkan ku  xidhnay magaaladda Hargaysa.

download

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn ah oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda  Somaliland jeedisay, xili   ay markaa ku sugneyd Muqdisho.

Dhegaysiga dacwado loo haystay Naciima Qorane oo mudooyinkan ka socotay maxkamadda Hargaysa ayaa la sheegay in cadaymo buuxa oo ku filan loo hayo eedaha loo haysto Naciima Axmed Ibraahim.

Dacwadan oo uu dhibane ka ahaa qaranka Somaliland waxaa ku dhawaaqay garsoore Idiris Maxamed Maxamuud, oo aha garsoorihii gacanta ku hayay dacwadaasi.

Geesta kale qareenadii difaacayay Naciima Qorane, ayaa iyadgna dhinacoodda xukunkaasi ku tilmaamay mid siyaasadaysan, isla markaana  baal marsan shuruucda xoriyadda hadalka iyo qoraalka ee Somaliland.

Dhinaca  kale gudoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland   Guuleed Axmed Dafac  ayaa  xukunkaasi ku tilmaamay mid aan dariiqii sharciga ahaa loo marin, isla markaana uu ka hor imanayo qodobka xoriyadtul qawlka ee dastuurka Somaliland.

Guuleed Dafac, ayaa sheegay in qareennada difaacayay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim ay rafcaan ka qaateen xukunkan.

Waxaanu tilmaamay  in xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa ay cambaareyneyso xukunkan oo ah mid ka hor imanaya xorriyada qofka ee hadalka.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.