Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ololaha Dhiraynta Oo Somaliland Laga Bilaabay iyo Madaxweynaha Oo Beeray Geedkii U Horeeyay+Sawirro

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo loo sameeyey maalinta dhiraynta Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Bisha Afraad(April)-2018.

30704687_1621393194641194_317968106938957824_n 30705132_1621398454640668_8230040796728918016_n 30705225_1621393804641133_4705598355982516224_n 30705776_1621396534640860_4408169276574269440_n 30706071_1621395854640928_7298536087570350080_n 30706132_1621400634640450_8002809431605641216_n 30707453_1621398941307286_8142153941807792128_n 30708132_1621400004640513_3614257134688010240_n 30708206_1621393184641195_2981428754850512896_n30713270_1621400861307094_2738712228738891776_n

Munaasibad ballaadhan oo ay soo agaasintay wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, isla markaana hal-ku-dheg looga dhigay GEED JANNADA KA BEER, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka qaybgalay.

Si  uu bulshada ugu muujiyo muhiimadda ay leedahay maalinta deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu dhawaan wareegto madaxweyne kusoo saaray.

Isagoo  halkaas ka jeediyey hadal waano iyo wax sheeg isugu jira, ka hor intii aanu tiro dhir ah gacantiisa kaga beerin meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ah.

30708280_1621400401307140_8663722409318154240_n 30709240_1621398957973951_8313573121747582976_n 30709774_1621395451307635_3502330523177451520_n 30710143_1621396931307487_3028487388662857728_n 30710411_1621394777974369_6075989787251048448_n 30710829_1621396921307488_7312888309200453632_n 30711830_1621397597974087_2062737655417798656_n 30712582_1621393491307831_8676071230568136704_n

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey xarunta wasaaradda.

Waxaanu  uga mahadnaqay sida uu xilka isaga saaray dhiirrigelinta dhiraynta iyo ilaalinta deegaanka oo fure u ah horumarka iyo nolosha bulshada reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna ku dheeraatay dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii loo daryeeli lahaa guud ahaanba deegaanka iyo duur-joogta dalka, isla markaana loola dagaallami lahaa dabargoynta lagu hayo dhirta oo dhuxul laga shito.

30714939_1621394121307768_2868332224313294848_n 30715555_1621399371307243_231712536431427584_n 30715653_1621397554640758_4789715105791082496_n 30716072_1621400774640436_8788666173349691392_n

Wasiirku waxa ay shaaca ka qaadday inay kor u kacday isticmaalka bulshada reer Somaliland ee dhinaca tamarta oo mustaqbalka qorshaysan in lagaga baxo baahida bulshada ee dhinaca dhuxusha oo dhirta laga shido, isla markaana ay wasaarad ahaan meesha ka saareen badiba dhibaatada dhul-boobka ah iyo dabar-goynta lagu hayo dhirta oo halbowle u ah nolosha dadka iyo duunyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal mahadnaq, dhiirrigelin iyo waano isugu jira ka jeediyey xuska maalinta qaran ee dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu horrayn wasaaradda deegaanka ugaga mahadnaqay doorka ay ka qaadatay soo noolaynta bilicda deegaanka iyo la dagaallanka gumaadka lagu hayo dhirta.

30713254_1621393767974470_6745153362779439104_n

Waxaanu  yidhi  “ Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa wasaaradda deegaanka oo muujisay dedaal badan sidii ay dalka ugu soo celin lahayd deegaan-nimadiisii oo ay la dagaallantay xaalufka iyo abaaraha, wasaaraddu waxa ay dedaal weyn u gashay sidii aan dhirta iyo duur-joogta loo dabar-goyn lahayn.

Kuwaasoo  ah labada inoogu muhiimsan, dhammaanba shaqaalaha wasaaradda iyo madaxdooda aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa.”

 

Madaxweynuhu waxa carrabka ku ballaadhiyey faa’iidada ay dhirtu u leedahay nolosha Bani’aadamka, waxaana uu bulshada ku adkeeyey in qof waliba uu geed beero,“Maanta waxa ay ila tahay qof wal oo reer Somaliland ah oo aan reer guuraa ahayn geed buu beeri karaa, haddii uu qof wal oo muddakar ahiba uu geed beero waxa hubaal ah in dhulkeenu noqonayo dhul doog ah oo laga yaabo in abaaruhu ka yaraadaan.

Waayo  culimada deegaanku waxa ay xaqiijiyeen in meeshii dhiri joogto uu roob joogo, sidaas darteed waxaan ku talin lahaa qof wal oo qaan-gaadh ah ama qof wal oo meel deggeniba in marka uu guriga dhisto uu ku daro geed, gaar ahaan magaalooyinka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana si xeel dheer u sharraxaya muhiimada ay dhirtu u leedahay jiritaanka noolaha dhulka oogadiisa ku sugan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa   uu yidhi “Dadka magaalada gaar ahaan buu xil u saaran yahay inay dhir beeraan oo waliba shaaricyada waaweyn meherad kasta horteeda uu geed weyn oo caleen lihi ku yaallo.

Si  aynu uga baxsanno aafada Technology-ga, intaas waxa dheer marka uu imika roobku qaado magaalooyinka cidhiidhiga ah baabuurta maraysaa waxa ay kicisaa siigada intaad aragteen le’eg oo suuqu waa wada siigo, haddii aynaan dhir beerinna sambabada dadka magaalooyinka ku nool waxa ka buuxsamaysa siigo.

Laakiin  dhirtu waa wax Ilaahay abuuray oo nadiifisa hawada, sidaad darteed maanta waxa aynu xoogga saaraynaa inay noqoto maalin qof wal oo muddakar ahiba uu geed beero, dhammaanba muwaadiniinta reer Somaliland meel wal oo ay joogaanba waxaan ka codsanayaa inay ku dedaalaan dhir-beerista.”

30708132_1621400004640513_3614257134688010240_n

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu farriin gaar ah u diray cid kasta oo ku foogan goynta dhirta iyo oodista goobaha xoolo-daaqeenka ah, waxaana uu kula dardaarmay in dhulka aanay waxba ka beeraynin ee ay oodanayaan ka waantoobaan.

“Dadka reer miyiga ah ee dhulka oodaya ee geedka galoolka ah jaraya ee ku oodaya meel aanay waxba ka beerayn oo laga yaabo inuu qabo rajo ah balloodho ayey noqon doontaa, waxaan ku waanin lahaa dhirta inaanay iska jarin, dhulkana Ilaahay waxa uu yidhi manaafacaadsada ee xanniba muu odhanin, dhulkana in la xanniba ma aha, markaa ama dhulka umaddii lahayd ha wada daaqda, ama wax ka soo saara.

Labadaas  wixii u dhexeeyaa waa qalad. Dadkaas reer miyiga ahna waxaan kula talin lahaa waar aakhirona waa dambi, Ifkiina xoolihii iyo dadkii waa caddibteene markaad ka ooddo ee aad waxba ka beeri weydo aakhiro waa dambi, ifkiina dadkii baad isku qabsanaysaane taas hallaga daayo.” Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

DAAWO SAWIRRO:

30703771_1621395437974303_8100419065987727360_n 30704086_1621397354640778_8863362762798006272_n 30704687_1621393194641194_317968106938957824_n 30705132_1621398454640668_8230040796728918016_n 30705225_1621393804641133_4705598355982516224_n 30705776_1621396534640860_4408169276574269440_n 30706071_1621395854640928_7298536087570350080_n 30706132_1621400634640450_8002809431605641216_n 30707453_1621398941307286_8142153941807792128_n 30708132_1621400004640513_3614257134688010240_n 30708206_1621393184641195_2981428754850512896_n 30708280_1621400401307140_8663722409318154240_n 30709240_1621398957973951_8313573121747582976_n 30709774_1621395451307635_3502330523177451520_n 30710143_1621396931307487_3028487388662857728_n 30710411_1621394777974369_6075989787251048448_n 30710829_1621396921307488_7312888309200453632_n 30711830_1621397597974087_2062737655417798656_n 30712582_1621393491307831_8676071230568136704_n 30712685_1621395504640963_2464610757392728064_n 30713254_1621393767974470_6745153362779439104_n 30713270_1621400861307094_2738712228738891776_n 30713400_1621394411307739_5226590374457245696_n 30713510_1621393527974494_8679176869880266752_n 30714157_1621400314640482_6734342247195607040_n 30714216_1621400114640502_8365166171577647104_n 30714294_1621400024640511_1817685195378130944_n 30714753_1621399424640571_3146061938002231296_n 30714939_1621394121307768_2868332224313294848_n 30715555_1621399371307243_231712536431427584_n 30715653_1621397554640758_4789715105791082496_n 30716072_1621400774640436_8788666173349691392_n 30716702_1621393751307805_877514268713418752_n 30724169_1621399444640569_8826162088247296000_n 30724463_1621394724641041_6070596588227526656_n 30724552_1621395044641009_4079371250684657664_n 30725157_1621400334640480_5528668820387921920_n 30727749_1621399687973878_7827015355028471808_n 30729229_1621395914640922_6422247125781839872_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.